Ciidamo Ruush ah oo gudaha u galay saldhig Maraykanku ku leeyahay dalka Niger

May 03 (Jowhar.com)-Ciidamada Ruushka ayaa gudaha u galay saldhig ciidamada cirka ah oo ku yaalla dalka Niger oo ay ku sugan yihiin ciidamo Maraykan ah,iyadoo dowlada Niger ay ka codsatay ciidamadan inay ka baxaan dalkeeda.Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Maraykanka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dhacdadan.

Saraakiisha militariga ee maamula dalka ku yaalla Galbeedka Afrika ayaa u sheegay Mareykanka in uu dalka kala baxo ku dhowaad 1,000 askari, kuwaas oo ilaa afgambigii sanadkii hore ahaa saaxiib muhiim u ah dagaalka ka dhanka kooxaha muqaawamada ee dilay kumannaan qof, malaayiin kalena barakiciyey.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa xaqiijiyay in ciidamada militariga Ruushka ay galeen saldhig ciidamada cirka ee Niger oo ay ku sugan yihiin ciidamada Mareykanka, kadib go’aan dhawaan kasoo baxay taliska militariga Niger oo ciidamada Mareykanka looga saaray dalkaasi.

Warka ku saabsan in Ruushka loo dirayo saldhigga ciidamada cirka ayaa daba socday ka dib markii taliyayaasha militariga Niger ay u sheegeen Washington bishii Maarso inay qasab tahay inay la baxaan ku dhawaad ​​1,000 ka tirsan ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalka.
Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin wuxuu hoos u dhigay qatar kasta oo ku iman karta ciidamada Mareykanka ama fursada ah in ciidamada Ruushka ay ku dhawaadaan qalabka militariga Mareykanka.

“Ciidamada Ruushka waxay ku sugan yihiin dhisme gaar ah, marinna uma haystaan ciidamada Mareykanka ama qalabkeena,” Austin ayaa sidaas ku yiri shir jaraa’id oo uu ku qabtay Honolulu.

“Waxaan mar walba diiradda saarayaa badqabka iyo babdbaadada ciidamadeena … hase yeeshee waqtigan, ma arko arrin halis ah marka ay noqoto ilaalinta ciidamadeena.”

Safaaradaha Niger iyo Ruushka ee Washington ayaan deg deg uga jawaabin codsi falcelin oo loo diray. Wadamada Niger,Burkino Faso iyo Mali ayaa afgambi ay ciidamada milatariga kula wareegeen waxayna ku midoobeen isbahaysi ka soo horjeeda wadamada reer galbeedka iyo Maraykanka.

Dalalkan ayaa waxaa ay taageere u muujiyeen dalka Ruushka waxayna wadamadaan ay ku amreen in ciidamada Maraykanka iyo kuwa Faransiiska ay ka baxaan wadamadooda ayna xiraan saldhigyada ay halkaas ku leeyihiin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More