Cristiano Ronaldo oo ka walaacsan go’aankii uu ugu soo biiray Man. United.

Nov. 14 (Jowhar.com) -Cristiano Ronaldo ayaa sheegay in uu dareemayo inay “khiyaantay” kooxda Manchester United isla markaana lagu khasbay in uu tago kooxdaas.

Ronaldo oo la hadlayay barnaamijka TalkTV uu daadihiyo Piers Morgan ayaa yiri, “Waxaan dareemay in la ii khiyaanay, waxaan dareemay in dadka qaar ee ka tirsan aysan ila dooneyn in aan halkan joogo”.

Ronaldo lama safin ciyaartii ay kooxdiisa la dheesahy Chelsea bishii lasoo dhaafay kadib markii ciyaartii ka horreysay ee Tottenham uu diiday in uu baddal kusoo galo.

Wuxuu sidoo kale sheegay in wax ixitiraam ah uusan ka helin tababaraha kooxda Ten Hag.

“Wax ixritaam uma hayo maadama uusan isagu i ixtiraamin, Haddii aadan ixtiraam ii hayn, weligay kuma ixtiraami doono.” ayuu yiri Ronaldo.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More