Daa’uud Aweys “Waxaa naga go’an ilaalinta xorriyadda iyo xaqa xog helista saxafiga”

May 03 (Jowhar.com)-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys jaamac ayaa Saxaafiyiinta Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay dabbaal dega maalinta caalimaga ee xorriyadda saxaafadda 3-da May oo sanadka loogu magac daray “U dabbaal daga.

Maalinta Xorriyadda Saxaafadda iyo xoojinta kaalinta Warbaahinta ee xasaradaha ka dhasha isbedelka cimilada” maadaama adduunka dhammi dhibane u tahay isbeddelka Cimilada.

“Munaasabadda qiimaha leh ee maalintan caalamiga ah ee xorriyadda saxaafadda awgeyd waxaan rabaa in aan halkaan hambalyo diirran uga diro Wariyayaasha kaalintooda wax ku ool ah ee nolosha bulshada, run sheegista, daah furnaanta, iyo dimuqraadiyadda, waxaan qirayaa in doorkiina wacyi dhiska dadweynaha uu yahay mid muuqdo oo lagama maarmaan ah’ ayuu ku yirri dhambaalkiisa Wasiir Daa’uud.

Wasiirka ayaa wariyayaasha ku dhiiri galiyay in ay door xooggan ka qaataan wacyigalinta qatarta dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka cimilada oo si weyn u saameeyay dunida oo dhan, Soomaaliduna ay dhibanayaasha isbeddelka cimilada deegaanka ka mid tahay.

Mudane Daa’uud Aweys Jaamac Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta xorriyadda, badqabka saxaafadda, hubinta daah furnaanta iyo xaqa xog helista wariyayaasha.

“Waxaa ajande weyn inoo ah taageerada iyo dhiiragalinta warbaahinta, ka dowlad ahaan waxaa naga go’aan in aan kor u qaadno tayada warbaahinteena iyo tababarada ay helaan suxufiyiinta, waxaan aaminsanahay wariyayaal tababaran oo wacyi ahaan dhisan in ay muhiim u yihiin dowlad wanaagga iyo horumar waara oo waddankeenu gaaro” ayuu yiri Wasiirka

Wasiirka ayaa intaa ku daray “Dhismaha Golaha Warbaahinta Qaranka oo ay dhowaan meel mariyeen Golaha wasiirada waa tallaabo hore loo qaaday si loo xoojiyo daah furnaanta iyo isla xisaabtanka, hawshani waxa ay muujinaysa sida dowladdu uga go’an tahay xoojinta warbaahinta iyo dhiiragalinta dhaqan galinta mabaadi’da iyo anshaxa suubban ee Saxaafadda”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More