Dab ka kacay Warshada Nukliyerka ugu weyn Yurub kadib markii Ruushku uu duqeeyay

Mar 4 (Jowhar.com)-Warshada tamarta Nukliyeerka ee ugu weyn Yurub, ee Zaporizhzhia, ayaa gubatay subaxnimadii hore ee Jimcihii kadib markii ciidamada Ruushka ay ku qaadeen weerar, sida uu sheegay duqa magaalada Enerhodor.

Warshaddan oo sameysa 25% awoodda korontada Ukraine ayaa ku taal daanta webiga Dnieper oo 700 oo kiilomitir koofur-bari kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Kyiv.

Madaxweynaha Ukraine Zelensky ayaa ku eedeeyay ciidamada Ruushka inay si bareer ah u toogteen warshadaiyaga oo isticmaalaya taangiyo ay ku rakiban yihiin sawirada kulaylka.

“Warshada tamarta nukliyeerka ee ugu weyn Yurub hadda waa gubaneysaa,” ayuu ku yiri muqaal barta Twitterka la soo dhigey Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky.

Isagoo u yeeraya “masiibada caalamiga ah” ee Chernobyl 1986, wuxuu ka digay cawaaqibka ka dhalan kara burburka Zaporizhzhia inay aad uga sii dari doonto.

“Yurub, kaca fadlan, u sheega siyaasiyiintiinna in ciidamada Ruushku ay tooganayaan warshadda Nukliyeerka ee Ukraine,” ayuu sii raaciyay Madaxweynaha Ukraine.

Zelensky wuxuu sheegay inuu la xiriiray hoggaamiyeyaasha Mareykanka, UK, EU, Jarmalka iyo Poland, iyo sidoo kale Hay’adda Tamarta Nukliyeerka ee Caalamiga ah, laakiin wuxuu ugu baaqay muwaadiniinta caadiga ah inay qeylo dhaan u gudbiyaan siyaasiyiintooda.

“Dacaayadaha Ruushka ayaa horay uga digay in ay adduunka ku dabooli doonaan dambaska nukliyeerka. Hadda tani maaha digniin kaliya, tani waa dhab.”

Hase yeeshee wararkii u dambeeyay ee ka imanaya Ukraine ayaa sheegaya in Ciidamada gurmadka degdega ah ee Ukraine ay ku guuleysteen inay damiyaan dabkii ka kacay xarunta tamarta Nukliyeerka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More