Dab xooggan oo ka kacay qeybta Dahablaha ee Suuqa Bakaaro

Apr 05 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah waxaa laga helayaa dab xooggan oo goordhow ka kacay suuqa ugu weyn dalka ee Bakaaraha, kaasoo khasaare culus dhaliyay.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qeybta Dahablaha uu dabka xoogiisa ka socdo, wuxuuna kusii fidiyaa qeybo hor leh oo ay Sariflayaasha kamid tahay.

Dad weynaha ayaa haatan la xarbinaya daminta dabka, maadaama wali aysan soo gaarin gaadiidka Dab damiska dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Inkastoo saaka Jimce ay tahay, hadana suuqa waa mashquul maadaama ciida maalmo qura ay ka harsan tahay ganacsataduna sida maalmaha kale ee shaqada ayey saaka goobohooda ganacsi u fureen.

Lama oga waxa uu dabka ka kacay, balse sawirran lasoo qaaday ayaa muujinaya uuro cirka is qabsatay iyo holac baxaya, iyadoo xaaladu wali ay tahay mid aad u adag.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More