Danjire Jabriil oo loo doortay Guddoomiyaha Wakiilada Joogtada ee Afrika

June 09(Jowhar.com)- Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, isla markaana ah Wakiilka Joogtada ah ee UNON, UNEP & UN-Habitat, Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa loo doortay in uu noqdo Guddoomiyaha Wakiilada Joogtada ah ee dalalka Afrika (Africa Group) ee fadhigoodu yahay magaalada Nairobi.

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle iyo howlwadeenada Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa hoggaamin doona qorshe howleedka wadamada ku bahoobay Africa Group, iyadoo Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi ay hoggaan u noqon doonto kooxda Africa.

Danjire Jabriil ayaa uga mahadceliyay dalalka Africa Group kalsoonida ay u muujiyeen dalka Soomaaliya, gaar ahaan hoggaanka Safaraadda Soomaaliya, isagoo balan qaaday in uu si buuxda ula shaqeyn doono wakiillada dalalka Afrika.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More