Dawladda Soomaaliya oo ka laabatay go’aanka lagu xirayay xafiiska UNSOM

May 11 (Jowhar.com)-Dawladda Soomaaliya ayaa ka laabatay go’aankii ay ku dalbatay in la xiro lana soo gabagabeeyo howlgalka QM ee Soomaaliya, gaar ahaana UNSOM.

Qoraal kasoo baxay dowladda oo loo diray UN-ka ayaa taas bedelkeeda dowladda ku dalbatay in guddi wadajir ah loo saaro, sidii dib loogu qaabeyn lahaa howlgalka QM ee Soomaaliya.

Warqada cusub oo ay dirtay DF ayaa lagu cadeeyey in ay diyaar dhankeeda u tahay magacaabida xubno Soomali ah oo wax ka diyaariya qorshaha kala guurka, gaar ahaana UNSOM.

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh ayaa cadaadis xoogan kala kulmay qodobkan, waxaana wada hadal telfoon oo ay yeesheen xoghayaha guud ee QM iyo Xassan Sheekh heshiis lagu gaaray magacaabida guddi gaar ah oo UNSOM Shaqadeeda dib u qaabeeya la magacaabo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More