DEG DEG: Mucaaradka Deni oo soo saaray jadwal doorasho cusub iyo xiisada oo……

Nov 14 (Jowhar.com)- Dallada Mucaaridka Puntland ayaa goordhow ku dhawaaqday jadwalka doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxtinimada Puntland.

War-saxaafadeed ay soo saareen kadib kulan ugu soo dhamaaday magaalada Garowe ayey ku sheegeen doorashada madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa ay qabanayaan 8-da bisha January ee sanadka cusub 2024.

Sida ku xusan qoraalkooda, 31-da bisha December waxaa la shaacinayaa liiska xildhibaanada cusub, 1-da January waxaa la dhaarinayaa xildhibaanada, halka 4-ta January la dooranayo gudoonka golaha wakiilada maamulka Puntland.

Si kastaba, arrintan ayaa kusoo beegmeyso xili Xeerka Doorashooyinka Puntland loo qeybiyey golaha Wakiilada Puntland, waxaana xeerkan soo gudbisay Golaha wasiiradda.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More