DF Soomaaliya oo qaaday saddex talaabo oo fashilisay qorshaha Janan ee Gedo.

Jan. 02 (Jowhar.com)-Wasiirkii hore ee Amniga Jubaland C/rashiid Janan ayaa lagu soo waramayaa iney ku dhacday dharbaaxo xoog leh kadib markii uu dhicisoobay qorshihii uu u tagay gobolkaasi Gedo.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in fashilka qorshihii Janan ay ugu sii darsantay iney hub kala goosteen askar uu dib ugu abaabulay Doolow, si ay ugu fuliyaan damaciisa ah inuu dib gacanta ugu dhigo gobolkaasi oo uu dhowr sano kahor ahaa ninka ugu awooda badan Gedo.

Askartan oo hubka ay la goosteen uu ugu weyn yahay qoriga Dhashiikaha ayaa gudaha u galay xero ay ciidamadda dowladda ku leeyihiin magaalada xadka dhacda ee Beledxaawo, halkaasoo ay gabaad ka dhigteen, waxaana laga diiday dalab ah in askarta iyo hubkaba gacantiisa lagu soo celiyo.

Arrimaha kale ee fashiliyay qorshaha Janan ayaa ahaa in taliska xoogga dalka uu wacay saraakiisha ku sugan gobolka Gedo, iyagoo u sheegay ineysan magangalyo iyo amni siin Janan iyo xulufadiisa.

Waxaa taasi sii dheer in ninka ay wada socdeen ee Senatror Fartaag isagana looga yeeray inuu deg deg dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho, kadib markii dacwo ka dhan ah uu Axmed Madoobe u gudbiyay gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi.

Xiisadii Siyaasadeed ee gobolkaasi Gedo ayaa maalmahan ah mid dagan, taasoo sabab looga dhigay faragelin wajiyo kala duwan leh oo ay qaaday dowladda, talaabooyinkan ayaa u muuqdo kuwo lagu qancinayo madaxweynaha Jubaland oo door kulahaa isbedelkii dalka ka dhacay 15-kii May.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More