Dib u dhac ku yimid shirkii dib u heshiisiinta Baydhabo iyo khilaaf hareeyay furitaankiisa

Jan. 04 (Jowhar.com)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in dib u dhac uu ku yimid shirkii dib u heshiisiinta siyaasiyiinta Koofur Galbeed, kaasoo hore uu u iclaamiyay gudoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe.

Shirkan oo qorshihiisa ahaa inuu qabsoomo Shanta bishan oo ku beegan maalinimada beri oo Khamiis ah ayaa xogo la helayo waxey sheegayaan in ilaa saddex cisho uu dib u dhacay.

Dib u dhacan ayaa loo sababeeyay shuruudo ay ka qeyb galka shirkaasi ku xireen midowga musharixiinta mucaaradka ah ee Koofur Galbeed, shuruudahan waxaa qeyb ka ahaa in dhaawacyada maxaabiis ahaanta loo heysto la sii daayo, in ciidamadda Koofur Galbeed ay baneeyaan guryaha mucaaradka oo ay qabsadeen markii uu dagaalka ka dhacay Baydhabo iyo in talaabo laga qaado saraakiishii dagaalkaasi hormuudka u ahaa.

Madaxweynaha Koofur Galbeed Lafta-gareen oo maalmahan Muqdisho ku sugnaa ayaa la filayaa inuu maanta dib ugu laabto magaalada Baydhabo, halkaasoo uu ka bilaabi doono diyaar garowga shirkan iyo fulinta shuruudaha mucaaradka ka imanaya.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu furo shirkan, waxaana jira dooda aan dibadda u soo bixin oo la xiriirta in dowladda ay dooneyso iney la wareegto guud ahaa howsha shirkan, waxaase ka biya diidsan Aadan Madoobe iyo Lafta-gareen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More