Diyaarad uu saarnaa Madaxweyne ku xigeenka Malawi oo la la’ yahay

Jun 10(Jowhar.com)-Diyaarad uu la socday madaxweyne ku xigeenka Malawi, Saulos Chilima iyo sagaal qof oo kale ayaa la la’yahay, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.
Waxa ay wararka heegayaan in Madaxweyne ku xigeenka Malawi uu saarnaa Diyaaradda Ciidanka Difaaca Malawi taasoo ka duushay caasimadda, Lilongwe waxayna ku sii jeeday magaalada Mzuzu ee Waqooyiga dalka Malawi.
Madaxweynaha ayaa amar ku bixiyay in baaritaan iyo samatabbixin la sameeyo kadib markii saraakiisha duulista ay xiriir la sameyn waayeen diyaaradaasi.

Sababta loo waayay diyaaradda ayaan ilaa hadda la garanayn, sida uu u sheegay General Valentino Phiri Mr Chakwera. Moses Kunkuyu, oo ah wasiirka warfaafinta Malawi, balse la baadigoobayo diyaarada.

Mr Chilima ayaa u socday sidii uu dowladda ugu matali lahaa aaska wasiirkii hore ee Xukuumadii Ralph Kasambara oo geeriyooday saddex maalmood ka hor.

Sanadkii 2022, Dr Chilima waa la xiray waxaana lagu soo oogay eedeymo ah inuu aqbalay lacag uu ugu beddelayo bixinta qandaraasyada dowladda.

Bishii hore, maxkamaddu waxay laashay eedeymihii, iyadoo aan la sheegin sababaha go’aankan.
Dr Chilima oo 51 sano jir ahaa ayaa haysta shahaadada PhD ee Maamulka,waxa uu door hoggaamineed oo muhiim ah ka qabtay shirkado caalami ah sida Unilever iyo Coca Cola.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More