Dowlada oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaal ka dhacay Ceeldheer

Jun 08(Jowhar.com)-Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ay soo saartay waxa ay uga hadashay khasaaraha ka dhashay weerar ay Alshabaab ku soo qaadeen subaxnimadii hore ee saaka degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.
Warsaxafadeedka ayay dowladda Fedaraalka ku sheegtay in weerarka saakay khasaare xoog leh lagu gaarsiiyay Al-shabaab, lagana diley illaa looga dilay 47 xubnood.

Waxaa kale oo warsaxaafadeedka lagu sheegay in diyaaradaha dagaalka iney qeyb ka ahaayeen weerarka saakay, kuwaas oo deegaanka Cali Yabaal duqeyn kula beegsaday xubno ka tirsan Al-shabaabkii weerarka ku qaaday Ceeldheer oo baxsad ahaa.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka oo dhameystiran:-

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More