Dowlada Soomaaliya oo cambaareysay qarax lagu diley shaqaale ka tirsan Hormuud

April 28 (Jowhar.com)-Dowlada Somaliya ayaa si kulul u cambaareysay qarax lagu dilay lix ka mid ah Shaqaalaha Shirkadda Hormuud oo ku sii jeeday xarunta ay ku leedahay shirkaddu Ceelasha Biyaha.

Qoraal ka soo baxay dowlada Federalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weerarkan qaraxa miinada ah ay ka dambeeysay kooxda Alshabaab.

“Falkaan oo ahaa mid ka fog Diinta iyo Qiyamka Bini-daamka waxa ay Khawaarijtu si ku tala gal ah ugu beegsatay gaari ay leedahay shirkaddu kaas oo ay saarnaayeen lix muwaadin oo ka tirsanaa shaqaalaha shirkadda kuwaas oo dhamaantood ku naf-waayay ficilkaas Khawaarijta.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay dowlada federalka Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya ayaa ka tacsiyeysay qoysaskii ay ka geeriyoodeen lixdan ruux ee ka tirsanaa shaqaalaha Shirkadda Hormuud.

“Dawladdu, waxa ay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa Maamulka iyo hawl-wadeenada Shirkadda Hormuud, ehelka iyo qaraabada ay ka baxeen marxuumiinta iyo guud ahaan shacabka Soomaaliya.”

Halkan hoose ka aqriso qoraalka ay ka soo saartay dowlada federalka qaraxa lagu diley shaqaale ka tirsanaa Shirkadda Hormuud.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More