Duqa Muqdisho iyo Taliyaha Ciidanka Booliska oo ka hadlay Amni darada ka jirta Muqdisho

Mar. 01 (Jowhar.com)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Jeneraal, Sulub Axmed shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen ugaga hadlay amni darida ka soo cusbaanaatay maalmihii la soo dhaafay caasimada dalka ee Muqdisho.

Shirka jaraa’id ayuu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir digniin adag ugu diray askarta caadeysatay dhibaateynta Shacabka, wuxuuna wax lama filaan ah ku tilmaamay laamihii ammaanka ee laga sugaayay inay shacabka badbaadiyaan inay isla ayaga dilaan ama dhaawacaan.

“Runtii waxa ay ahayd arrin xanuun badan oo dhamaanteen naga fajacisay waxaana aan ku dadaalnay in dadkii ka dambeeyay fal dambiyeedyada dhacay inaan xabsiga dhigno oo sharciga la horgeeyo.”ayuu yiri Guddoomiye Madaale.

Dhinaca Kale, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Jeneraal, Sulub Axmed ayaa ka tacsiyeeyay dadkii rayidka ahaa ee ay ciidamo dagaalamayay ay dileen waxana uu ballanqaaday in wax laga bedeli doono qaabka ay u shaqeeyaan ciidamada ku sugan baraha koontaroolada,lana geyn doono ciidamo kale.

Taliyaha ciidamada Booliska ayaa sidoo kale ka hadlay dilalka xalay ka dhacay Muqdisho kuwaasoo Alshabaab ay sheegteen,waxana uu xusay inay wax ka qaban doonaan sidii amni u heli lahaayeen dadka rayidka ah.

Shirka jaraa’id oo ay qabteen duqa magaalada Muqdisho iyo taliyaha ciidamada booliska ayaa askari ka tirsan ciidamada uu ku diley darawal mooto bajaajle,sidoo kale waxaa mindi lagu diley nin rayid ah oo ku sugnaa degmada Warta Nabada ama Wardhiigley.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More