Faahfaahin ka soo baxaysa qarax goor dhow ka dhacay Muqdisho

Waxaa soo baxaya faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qarax goor dhow ka dhacay xaafad ka tirsan degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Wararka waxa ay sheegayaan in qaraxan lala beegsaday gaari ay lahaayeen ciidamada Booliska.
Sida ay sheegeen dadka ku nool xaafada uu qaraxa ka dhacay waxaa dhaawacyo soo gaaray qaar kamid ah ciidamadii saarnaa gaariga.

Wararka qaar ayaa sheegaya in gaariga qaraxa lala beegsaday uu la socday taliyaha saldhiga degmada Kaaraan Gaashaanle Salad Caraale. hase yeeshee ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay ciidamada Booliska.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More