FESOJ”Dawladdu waxay ku xad-gudbatay Xeerka Saxaafadda, taasoo wiiqday xorriyadda saxaafadda.”

May 03 (Jowhar.com)-Warbixin uu maanta uu soo saaray Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ maanta oo ku beegneyd xuska maalinta saxaafada adduunka ayaa lagu shaaciyay in Dowlada Federalka Soomaaliya  ay ku xadgudubtay sharciga saxaafadda iyadoo hore u saxiixdey sharciga saxaafadda.

 

Waxaa warbixintan lagu soo bandhigey kulan uu maanta soo qabanqaabiyay Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ,munaasabada maalinta saxaafada adduunka oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Warbixin Sanadeedkan uu soo saaray ururka FESOJ oo ah urur ay ku mideysan yihiin Saxafiyiinta Soomaaliyeed ayaa loogu magac daray  “Soomaaliya: Dawladdu waxay ku Xad-gudubtay Sharciga Saxaafadda ay hore saxiixdey, taasoo wiiqday xorriyadda saxaafadda.”

Nasiib darro, xirfadlayaasha warbaahinta Soomaaliya ayaa wali la tacaalaya caqabadaha badan,Waxay ku nool yihiin cabsi, taas oo xaddidaysa awooddooda inay si xor ah uga warbixiyaan arrimaha dalka ayagoo la kulma Hanjabaad, xarig, iyo  abuurista jawi cabsi gelin iyo faafreeb.”ayaa lagu yiri warbixinta.

Sidoo kale warbixinta ayaa Nasiib Darro ku tilmaantay in Soomaaliya ay weli ka mid tahay dalalka ugu daran marka ay timaado in lagu dhibaateeyo saxaafadda.

“Laga soo bilaabo Maajo 2023 ilaa Maajo 2024, xafiiska FESOJ wuxuu diiwaangeliyay 28 kiis oo xadgudubyo ah oo ka dhan ah saxafiyiinta Soomaaliyeed. Saddex dhacdo oo dil ah ayaa ka mid ah waxaa lagu dilay wariye  degmada Caabudwaaq ee Galmudug. Weriye kale ayaa ku dhintay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho, halka weriyaha saddexaad uu u dhintay dhaawac muddo dheer qaatay oo ka dhashay bam loogu xiray gaarigiisa sanado ka hor.”ayaa lagu yiri warbixinta.

“Sidoo kale waxaa la xiray 20 wariye, hal wariye  jir dil ayaa loo geystay, hal wariye oo la afduubtay, hal wariye oo deegaankiisa laga soo saaray, hal idaacadna waa la weeraray.” Ayaa lagu yiri warbixinta

Warbixinta sannadlaha ah ayaa u soo jeedisay talooyin  iyo baaq dawladda federaalka ah ee Soomaaliya, jilayaasha kale ee iyo bah-wadaagta warbaahinta inay la shaqeeyaan difaacayaasha xuquuqda warbaahinta, ururada bulshada rayidka ah, iyo xarumaha warbaahinta si loo dajiyo hab wax ku ool ah oo lagu dammaanad qaado helitaanka macluumaadka Warbaahinta iyo guud ahaan shacabka, xorriyadda saxaafadda iyo hagaajinta badqabka suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Ururka FESOJ ayaa markale ka hadlay dhisida golaha warbaahinta.

“Magacaabista hal dhinac ee ay dowladda Soomaaliya u magacawday golaha warbaahinta Qaranka Soomaaliya waa xad-gudubyo kale oo ka dhan ah xeerkii saxaafadda ee la saxiixay, taasoo lagu wiiqayo xorriyadda saxaafadda. Waxaan soo jeedineynaa in loo baahan yahay in dowladdu ay dib u eegis ku sameyso hannaankii loo dhisay Golaha Warbaahinta Qaranka.”ayaa lagu xusay warbixinta ay soo saartay FESOJ.

Ugu dambeyntii warbixinta ayaa lagu xusay in loo baahan yahay In la dhiso Golaha Warbaahinta Qaranka oo loo wada dhan yahay iyadoo loo marayo hab sharci iyo gudaha lana raacayo qodobka 14-aad ee xeerka saxaafadda Soomaaliyeed ee la saxiixay si loo ilaaliyo loona fuliyo xeerka saxaafadda iyo anshaxa saxaafadda.

Dowlada Soomaaliya ayaa loogu baaqay in ay si wadajir ah ula shaqeyso difaacayaasha xuquuqda saxaafadda,ururada bulshada rayidka ah, iyo xarumaha warbaahinta si loo dhiso hannaan wax ku ool ah oo lagu dammaanad qaadka helitaanka macluumaadka warbaahinta iyo dadweynaha.

Waxaa ay FESOJ soo jeedisay In si buuxda loo baaro dhammaan xadgudubyada ka dhanka ah saxafiyiinta iyo warbaahinta lana hubiyo dhammaan dadka ku lugta leh oo ay ku jiraan saraakiisha sharciga iyo saraakiisha ciidamada in maxkamad la soo taago.

Saaxiibada caalamiga ah ayaa loogu baaqay inay ku dhiirigeliyaan dawladda inay dammaanad qaaddo ilaalinta iyo badbaadada suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Halkan hoose ka aqriso warbixinta oo dhamaystiran

FESOJ ANNUAL REPORT 2023-2024

 

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More