Fu’aad Shongole oo soo hadlay xili Itoobiya sheegtay iney dishay.

August 04 (Jowhar.com)-Fu’aad Maxamed Khaliif (Fu’aad Shangole)  oo kamid ah saraakiishii ugu sareysa ee kooxda Shabaab ayaa beeniyay sheegashada Itoobiya ee ah iney duqeyn ka dhacday xadka ay ku dileen.

Sida lagu baahiyay codka sarkaalkan oo laga sii daayay warbaahinta Shabaab, waxa uu sheegay inuu caafimaad qabo, isla markaana aysan weligood guul arki doonin maadama ay dhawaan ku joog-joogsadeen magaca Allaah iyo kalmadda towxiidka.

“Waaniga aniga oo nool la hadlaya muslimiinta, waxaa u sheegayna muslimiinta in aan noolnahay oo sharaf leenahay. Waa noolahay waana caafimaad qabaa,” ayuu yiri Fu’aad Shangole.

Fu’aad Shangole oo ah madaxa abaabulka iyo tashkiilinta dagaalyahanada Al-Shabaab, kana mid ah madaxda Al-Shabaab ee dowladda Mareykanka ay madaxooda dul dhigtay malaayiinta dollar ayaa dhanka kale ku hanjabay iney duulaano horleh ay ku qaadayaan Itoobiya.

“Waxay ku dambeyn doonaan (Ciidamada Liyuu Booliska) darxumadii uu ku dambeeyey ninkii aas-aasay (oo uu kala jeedo Cabdi ileey).” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Si kastaba, Dowladda Itoobiya ayaa dhawaan shaacisay iney duqeyn ku dishay saddex sarkaal oo Shabaab muhiim u ah kuwaasoo kala ah Fu’aad Shangole, Afhayeenka Shabaab Cabdi Casiis Abuu Muscab iyo Cubeyda Nuur Ciise oo la sheegay inuu yahay madaxa Al-Shabaab u qaabilsan abaabulka ay kooxdu ka wado xuduudka dowlad deegaanka iyo Gobalka Bakool ee Soomaaliya, iyadoo warkaasi uu u muuqdo mid beenoobay, maadaaama laba kamida saraakiisha la sheegay ieny soo hadleen sheegashada Itoobiya kadib.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More