Guddiga Doorashada Galmudug oo shaaciyay Xubnaha soo xulaya ergada saddex kursi

Guddiga doorashada dowlad goboleedka Galmudug ayaa shaaciyay magacyada xubnaha soo xulaya ergada saddex kursi oo ka tirsan golaha shacabka.

Sidoo kale guddiga ayaa sheegay in 12ka bishan aynu ku jirno oo ku beegan Sabtida soo socota la qaban doono doorashada saddexda kursi ee lagu dooranayo magaalada Dhuusmareeb kuwaasoo kala ah HOP#025,HOP#081 iyo Hop#053.

Kuraastan la shaaciyay ayaa waxaa hore ugu fadhiyay xildhibaanada kala ah; Naciima Maxamed Gacal,Faarax Cabdi Xasan iyo Maryan Cariif Qaasim.

Halkan hoose ka aqriso magacyada xubnaha soo xulaya guddigan;

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More