Guddiga doorashooyinka Heer Federal oo soo dhaweeyay doorashada ka dhacday Jowhar

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal waxa uu soo dhaweeynayaa Doorashada Lixda kursi ee Golaha Shacabka ee lagu qabtay xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle,

Qoraal ka soo baxay xafiiska afhayeenka gudiga doorashooyinka Amb Ahmed Safiina ayaa lagu ammaanay doorashada ka dhacday Jowhar ee ay ku soo baxeen saddex dumar ah.

Waxa uu guddiga ugu baaqay dhammaan dowlad goboleedyada inay dardargeliyaan qabashada doorashada golaha shacabka maadaama xilliga loo qabtay in lagu soo gabagabeeyo doorashada ay ka harsan muddo gaaban.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More