Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka oo su’aalo weydiiyay Wasiirka Waxbarashada

July. 16 (Jowhar.com)Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka BJFS 11aad iyo Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare XFS ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa.

Kulanka waxaa shir Gudoominaysay Gudoomiyaha Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka BJFS 11aad Xil.Nadra Saalax Cabdi oo uu wehlinayay Xoghayaha Guddiga Xildhibaan Mukhtaar Axmed Xasan Saajid iyo Xubnaha Xildhibaanada Guddiga.

Ajendaha kulan ayaa ahaa la-xisaabtanka iyo Kor-joogteynta Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare XFS.
Wasiir Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare XFS Mudane Faarax sheekh Cabduqaadir ayaa Guddiga warbixin guud ka siiyay howlaha baaxada leh ee hor-yaala Wasaaradda waxa uqab-soomay waxyaabaha ay hiigsanayaan iyo yoolkooda fog ee ay ku doonayaan inay ku Horumariyaan Adeegyada Waxbarashada Dalka.

Intaa kadib Xubnaha Guddiga ayaa mid mid u Weydiiyay Wasiirka Su’aalaha la xariiray Waxbarashada Dalka Qorsha-howleedka Wasaaradda iyo dhammaan Howlaha iyo shuruucda hor-tebinta uleh Adeegyada Waxbarashada Dalka.
Waxyaabaha kulanka Diirada lagu saaray waxaa kamid ah, Horumarinta Waxbarashada Dalka,Man-hajka Dalka Imtixaanadkii shahaadiga ahaa ee ay dhawaan Wasaaraddu qaaday halka ay wax umarayaan Macalimiintii dhawaan ku guuleystay Imtixaanadkii ay qaaday Wasaaradda ku waasoo gaarayay 3,000 Macalimiin ah.
Sidoo kale Wasiirka waxaa wax laga weydiyay.

Deeqaha Waxbarashada ee loogu deeqo Dalkeena Soomaaliya Wadamada Caalamka ee aynu ka helno iyo sida ay Wasaaraddu u Maareeyso Deeqahaasi Waxbarasho.

Dhanka kale waxaa wasiirka wax laga weydiyay tirada Iskuulada Dowladda ee ku jira Gacanta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare XFS.

Guud ahaan Mashaariic-da Hoos yimaada Wasaaradda sida loogu qoondeyay Dowlad-gobolleedka Dalka Mashaariic-da Socda Socda iyo kuwa la-filayo in dhawaan Xariga laga Jaro.

Ayadoo uu Wasiirka ka jawaabay Dhammaan Su’aalihii ay weydiiyaan Xubnaha iyo Gudoonka Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka BJFS 11aad.

Gudoomiye Xil.Nadra ayaa aad uga Mahadcelisay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Mas’uuliyiintii la socday ayadoona sheegtay inay muhiim tahay Wadashaqeynta isla xisaabtanka iyo Kor-joogteynta ka Guddi ahaana ay wax badan ka qaban doonaan Adeegyada Aas-aasiga iyo Dardar gelinta iyo Ansixinta Shuruucda Horutebinta uleh Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More