Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka oo la kulmay Madaxda Hay’ada AFAD

Jan. 03 (Jowhar.com)-Gudoomiyaha Hay’adda Maareeynta Masiibooyinka Maxamud Macallin Cabdulahi ayaa la kulmay Gudoomiye kuxigeenka Hey’adda Maareeynta Masiibooyinka Turkiga ee loo Yaqaan AFAD.

Labada dhinac ayaa kawada hadlay iskaashi & wadashaqeyn ay yeelan karaan iyagoo isla lafa guray qaabka uu noqon karo iskaashiga labada dhinac.

AFAD waxay Hey’adda si gaar ah uga taageeri doonta dhisidda kaabayaasha muhiimka u ah Maareeynta qataraha & musiibooyinka.
Kulanka kadib, wafdiga Hey’adda ayaa booqday Xarunta dhexe ee isku dabaridka & Maareeynta Musiibooyinka dalka Turkiga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More