Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka oo la kulmay Madaxda Hay’adda IHH

Gudoomiyaha Hay’adda Maareeynta Masiibooyinka Maxamuud Macalin ayaa kula kulmay Madaxda kala duwan oo katirsan Hey’adda IHH magaalooyinka Istanbul & Bursa.

Gudoomiyaha ayaa booqday Xarumaha looga jawaabo xaaladaha deg degga ah ee Hey’adda ee ku kala yaala Bursa & Istanbul.
IHH ayaa ka caawin doonta Hay’ada Maareeynta Masiibooyinka Dhanka tababarrda & Qalabaynta Xarunta Gurmadka deg degga ah. Waxay sidoo kale IHH dalka keeni doontaa raaashin loogu talagalay dadka Abaaraha saameeyeen.

Sidoo kale Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SODMA) Maxamuud Moalim iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Magaalada Ankara kula kulmay Gudoomiyaha hay’adda TIKA

Waxaa Hay’adda TIKA ay ka caawin doontaa Hay’adda SODMA wax ka qabashada arrimahaha la xariira dhibaatooyinka ka dhasha xaaladaha deg degga ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More