Guddoomiyaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo ku guuleystay abaalmarin caalami

Guddoomiyaha Hormuud Telecom, Axmed Maxamuud Yuusuf, ayaa Soomaaliya guul uga soo hooyay billadda 𝐇𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐧𝐚𝐝𝐤𝐚 𝟐𝟎𝟐𝟑 ee abaalmarinta Isgaarsiinta Adduunka, oo Shirkadda 𝐓𝐨𝐭𝐚𝐥 𝐓𝐞𝐥𝐞𝐜𝐨𝐦 ee fadhigeedu yahay Dalka Ingiriiska ay ku abaalmariso hoggaamiyayaasha shirkadaha isgaarsiinta caalamka ee ku guuleystay horumarinta isgaarsiinta iyo teknoolajiyadda Dalalkooda.

Guddoomiye Axmed ayaa noqonaya hoggaamiyihii 25ᵃᵃᵈ ee ku guuleystay abaalmarintan oo lagu guddoonsiiyay xaflad xalay ka dhacday magaalada Amsterdam ee dalka Netherlands. Hormuud Telecom ayaa ah shirkaddii ugu horreysay ee Soomaaliyeed oo ka qeybgasha tartankan oo ay ku loolamaan hoggaamiyayaasha shirkadaha ugu waaweyn isgaarsiinta caalamka.

Waxaana Guddoomiye Axmed sannadkan kula tartamay, uuna uga guuleystay madaxda shirkadaha 𝐃𝐞𝐮𝐭𝐬𝐜𝐡𝐞 𝐓𝐞𝐥𝐞𝐤𝐨𝐦 ee Dalka 𝐉𝐚𝐫𝐦𝐚𝐥𝐤𝐚, 𝐌𝐚𝐬𝐌𝐨𝐯𝐢𝐥 𝐓𝐞𝐥𝐞𝐜𝐨𝐦 ee 𝐒𝐩𝐚𝐢𝐧, 𝐂𝐨𝐥𝐭 𝐓𝐞𝐜𝐡𝐧𝐨𝐥𝐨𝐠𝐲 𝐒𝐞𝐫𝐯𝐢𝐜𝐞𝐬 ee 𝐈𝐧𝐠𝐢𝐫𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚, 𝐁𝐚𝐡𝐫𝐚𝐢𝐧 𝐍𝐞𝐭𝐰𝐨𝐫𝐤 ee dalka 𝐁𝐚𝐱𝐫𝐞𝐲𝐧 iyo shikradda 𝐊𝐚𝐜𝐢𝐟𝐢𝐜 𝐁𝐫𝐨𝐚𝐝𝐛𝐚𝐧𝐝 𝐒𝐚𝐭𝐞𝐥𝐥𝐢𝐭𝐞𝐬 ee fadhigeedu yahay Dalka 𝐒𝐢𝐧𝐠𝐚𝐩𝐨𝐫𝐞.

Guddoomiye Axmed oo nagu hoggaamiyay in aan noqonno Shirkadda isgaarsiineed ee ugu weyn Soomaaliya, ayaa todobaadkii horena dalka Koofur Africa lagu guddiinsiiyay abaalmarinta 𝐇𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐮𝐠𝐮 𝐰𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠𝐬𝐚𝐧 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐜𝐚 ee ay bixiso 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐜𝐚 𝐓𝐞𝐜𝐡 𝐅𝐞𝐬𝐭𝐢𝐯𝐚𝐥, oo uu uga guuleystay madaxda shirkadaha 𝐎𝐫𝐚𝐧𝐠𝐞 𝐄𝐠𝐲𝐩𝐭, 𝐕𝐨𝐝𝐚𝐜𝐨𝐦 𝐆𝐫𝐨𝐮𝐩, 𝐒𝐚𝐬𝐟𝐢𝐧 𝐁𝐚𝐧𝐤, iyo 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐜𝐚𝐧 𝐁𝐚𝐧𝐤.

Waa guul taariikhi ah oo Guddoomiyaha Shirkadda Hormuud Telecom uu Soomaaliya iyo isgaarsiinta Dalkeena uga soo hooyay tartanka Abaalmarinta Isgaarsiinta Adduunka iyo Afrika.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More