Guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashooyinka oo gaaray Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga doorashooyinka heer Federaal Mowliid Mataan ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo waxana Garoonka diyaaradaha shaati Guduud ee magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay xubnaha Guddiga hirgelinta doorashooyinka Koonfur Galbeed iyo xubna kale oo maamulka katirsan.

Ujeedka Guddiga ee gaaray Baydhabo ayaa ah dardar-gelinta shaqooyinka Arrimaha doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee ka dhaceysa Baydhabo.

Xubnaha ayaa sidokale wararku waxa ay sheegayan in kulama ay la qaadan doonaan Madaxweyne Cabdcasiis Xasan lafta-gareen iyo xubnaha Guddiyada hirgelinta doorashooyinka Koonfur Galbeed oo ay kala hadli donaan qabashada doorashada Aqalka sare.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More