Gudoomiyaha degmada Kaxda oo xal ka gaaray xiisad maalmahan ka taagneyd degmadaasi

Jan. 11 (Jowhar.com)-Gudoomiyaha degmada Kaxda ee gobolka Banaadir Mudane C/llaahi Sheekh C/raxmaan ayaa maanta kulan la qaatay Odayaasha ugu miisaanka culus beesha reer Looboge oo maalmahan tabasho ka qabay xil ka qaadis uu sameeyay gudoomiyaha.

Sida wararku sheegayaan, gudoomiyaha iyo Odayaasha oo kulan saacado basan qaatay wada yeeshay ayaa ugu danbeyntii ka heshiiyay khilaafkii taagnaa, iyadoo labada dhinac ay balanqaadeen iney wadajir uga shaqeeyaan horumarinta degmada.

Odayaasha beesha reer Looboge ayaa gudoomiye C/llaahi uga mahadceliyay kaalintiisa Odaynimo ee uu ka qaatay xalinta arrintan oo mar ku sigatay iney isu bedesho gacan ka hadal.

Waxaa lagu balamay kulamo kale oo lagu sii ambaqaadayo sii wadista wafa shaqeynta labada dhinac, iyadoo gudoomiyaha uu sheegay inuu diyaar u yahay qancinta cid kasta oo tabasho ka qabta maanulkiisa, wuxuuna wada shaqeyn iyo garab istaag ka dalbaday dhamaan bulshada ku nool Shanta waaxood ee degmada Kaxda.

Degmada Kaxda oo eheyd degmadii u danbeysay ee kusoo biritay degmooyinka gobolka Banaadir ayaa todobaadkii hore qabsatay baraha bulshada kadib muran ka dhashay xil ka qaadis uubsameeyay guroomiyaha, taasoo ay saluug ka muijiyeen beeshii kursiga hore ugu fadhisay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More