Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland oo si aan la fileynin uga hadlay xiisadda Laascaanood.

Jan. 02 (Jowhar.com)-Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ayaa sheegay in xaaladda ka taagan magaalada Laasacaanood ay ka dhalatay dacyac dhanka xukuumadda Somaliland ah maadama sida uu sheegay in muddo ah halkaa dilal loogu gaysanayay dad ahaa wax-galka bulshada oo aan wax laga qaban.

Cabdirisaaq Khaliif guddoomiyaha golaha wakiillada ayaa ku eedeyay xukuumadda in ciidamo u adeegsatay dadka shacabka ah oo dhigay dibadbaxyo ay ku muujinayeen sida ay uga xunyihiin dilalalka joogtada noqday.

Waxaa uu sheegay in caburin iyo xoog aan xalku ku jirin balse loo baahanyahay in xukuumadda ay la timaado qorshe ay wax kaga qabanayso dhibaatooyinkii keenay in ay dadku kacaan.

“Waa howl masuuliyadeeda ay leedahay xukuumadu waana shaqadii loo igmaday madaxweynaha iyo xukuumadiisa, laamaheeda amniga, wasaarada arrimaha guddaha, taliska ciidanka booliiska, sirdoonka, waxa laga rabaa in ay waxkasta oo ka dhacaya ay iyagu wax ka qabtaan” ayuu yidhi Khaliif.

Xaalada Laascaanood ayaa lagu soo waramaya inay saacadihii dambe tahay mid degan, ayada oo ciidamada millateriga lagu arkayay iyaga oo dhooban waddooyinka, waxaana hawada ka maqan khadka internet-ka ee magaalada oo xukuumadda Somaliland ay xoog ku jartay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More