Hayaanki nolosheyda 50 sano oo adeeg Qaran ah

Waxaan ku dhashay deegaanka Meexaan ee degmada Galcad ee Gobolka Gaduud sanadkii 1958. Waalidkey waxay ahaayeen xoolo dhaqato iyo beeraley dan yar ah, laakiin si wanaagsan ayay iisoo barbaariyeen aad-na waa iigu dadaaleen.

Yaraanteydi waxaan Quraanka kariimka ah kusoo bartay dugsiga macallinkeygii Macallin Ibrahim Maxamed Geeddi (Macallin-Dhegoole-AUN). Sidoo kale waxaan dugsiga hoose ka billaabay tuulada Budbud.

Intaas ka dib waxaan usoo wareegay magaalada Muqdisho anigoo kusoo degay guriga adeerkey Xiddigle Fiidow Jimcaale Shaafici -AUN.

Marka lugu daro dadaal qofeed oo aan ku dhigtay iskuullada gaarka ah (private schools), waxaan ka baxay Dugsiga Hoose Dhexe ee Hawlwadaag 1973. Sidoo kale waxaan si wanaagsan u bartay xirfada teebka (Type writer), oo markaas ku jiray halka uu maanta ku jiro Kumbiyuutarku. Isla sanadkii 1973dii waxaan ka qeyb galay tartan ay dawladdu soo xayaysiisay loona gelaayay wax ku qorista aaladda teebka (typewriter). Tartankaas waxaa ku guuleystay 17 qof anigoo ka galay kaalinta 12-aad. Imtixaankaas waxaa lugu qaaday xarunta machadkii SIDAM oo ku oolli jirey degmada Shangaanni, dhabarka dambe ee Wakaaladda Madbacadda Qaranka.

Guulaystayaashii imtixaankaas tobankii ugu horreysay waxaa qaadatay Wasaaradda Beeraha, intii soo hartayna waxaa wasaaradaha dowladda loogu kala qoondeeyey qori-tuur: iyadoo qoondadu noqotay sidaan: Wasaaradda beeraha: 10 qof, Wasaaradda maaliyadda: 4 qof, wasaaradda caafimaadka: 2 qof, wasaaradda arrimaha gudaha: 1 qof. Markaas anigu waxaan qori-tuurkii ku helay wasaaradda Maaliyadda.

Intaas ka dib waxaan tabarbar lix bilood ah ku galnay Dugsiga Booliska (scoula polizio). Marki tababarku noo dhammaday waxaa nalagu wareejiyey xafiiska agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, mudane Shariif Axmed,oo runtii ahaa mas,uul adag, karti badanaa, hawlkarna ahaa, kaasoo isaguna aniga iyo wiil la dhihi jirey Maaddey nugu wareejiyay xafiiska xisaabiyaha guud. Waqtigaas-na da’daydu waxay ahayd qiyas ahaan 17-18 jir.

Intaas ka dib waxaan si rasmi ah u billaabay shaqadeydii waxaana ugu horreyn la ii geeyay ku xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dawladda ee xiligaas Cabdi Axmed Looyaan, waraysi kadib wuxuu igu qoray xafiiska dakhliga (Cash Office) oo ahaa xafiis lagu qabto dakhliga dawladda dhexe ee Xamar oo ay markaas ka shaqeynaayeen wiil iyo gabar lugu kala magaacabi jirey Cabdikariim Sheekh Suufi iyo Faaduma Axmed Cali (Sooja).

Markaan muddo saddex bilood ah shaqeynaayay waxaan si fiican ula qabsaday shaqadeydii, dadkii aan la shaqeynaayayna aad ayay ii jeclaadeen, aniguna waxaad aad u jeclaa shaqadeyda xamaasad aan xad lahaynna waa u haayay. Muddo ka dib waxaa la ii wareejiay xaffiska Xaq Bixinta shaqaalha dawladda oo qaabilsanaa shaqaalaha la ruqseeyo ama geeriyooda (Pension Office). Xafiiskaas waxaa madax ka ahaa masuul magaciisa la dhihi jirey Cumar Colaad, kaaliyana waxaa u ahaa ARKA oo ay iigu war dambaysay isagoo ku nool Mombasa dalka Kenya.

Saddex bilood ka dib waxaa ka Ia ii bedalay xafiska buugaagta lacag qabashada (counter foils) anigoo markiiba si wanaagsan u shaqo bartey, waxaanna ku wareegay waaxda xisaab celinta iyo xisaab xirka (control & data collection).

Waaxa xusid mudan inaan waqtigaas ahaa wiil dhallinyaro ah oo ka soo jeeda qoys dan yar ah, oo aysan jirin cid aan Alle ahayn oo garab taagan, haddana ma dareemin in laygu riixaayo ama laygu caawinaayay qabiil & 4.5 midna. Waxaa jirta kalsooni aan ku qabay nafteyda & caawin aan shuruud ku xirneyn oo aan ka helaayay dadka iiga horreeyey shaqada oo aan marna ii muujinin wax aan wanaag ahayn.

Maalin maalmaha ka mid ah anigoo shaqadeydii ku guda jira waxaa ii yimid Axmed Aw Muuse Samatar-AUN oo ahaa xisaabihii gobolka Bakool, wuxuuna iga codsaday inaan dukumiinti uu watay ugu qoro teebka. Markaan shaqadii sidii uu filaayay ka wanaagsan ugu qabtay wuxuu iga codsaday inaan u raaco magaalada Xuddur ee gobolka Bakool si aan ugu noqdo kaaliye. Waxaan ahaa wiil dhallinyaro ah oo aan dhul mar ahayn, haddana waan ka aqbalay Axmed codsigiisii. Muddo ka dib waxaa ii yeeray xisaabihii guud ee dowladda waqtigaas Maxamed Cismaan Hilowle (Huutaan)-AUN, wuxuuna i weydiiyey inaan raalli ku ahay in lay beddelo Bakool, waxaanna u xaqiijiyey inaan raalli ka ahay arrinkaas.

Axmed Aw-Muuse wuxuu nin culus, waaya arag iyo feylasuuf nolosha iyo shaqada si qoto dheer u fahmsan. Wuxuu ahaa khabiir lasoo shaqeeyey dowladihii kala dambeeyey ee dalka soo maray, laga soo billaabo gumestihii Talyaaniga. Waxaan ka faa’iiday arima fara badan oo ku saabsan mamulka iyo xisaabaadka. Wuxuu markiiba guda galay inuu si ficil ah ii fahamsiiyo shaqada. Wixii iga khaldamana si naxariis iyo xikmad leh ayuu iigu sixi jirey, markaan kaligeen noqonno.

Waxaan xusuusteyda ka go’ayn in ka mid ah maalmihii isugu keen dambeeyey uu ii yeeray. Intuu qasndda furay ayuu kasoo bixiyey lacag laba kun oo shilin Soomaali ah, wuxuuna i weydiiyey “waa maxay waxaani”? waxaan ugu jawaabay “waa lacag”. Wuxuu haddana soo bixiyey kurjad foojarro (documiintiyo) ah oo isku xiran, wuxuuna mar kale i weydiiyay:”Maxay yihiin waxaani?”, waxaan ugu jawaabay “waa dukumiinti”. Ugu dambayn wuxuu jeebsiisa kasoo bixiyay xoogaa lacag oo isku xiran wuxuu sidoo kale i weydiiyay:”Waa maxay waxaanu?”. Waxaan ugu jawaabay “Waa lacag”. Ugu dambayn wuxuu iigu soo koobay: ”Si fiican ii dhegeyso wiilkeygiyow. “Waxa khasnadda dowladda ku jira waa dukumiinti, ama lacag caddaan ah ha noqdeen, ama duminti ha noqdaane, maxaa yeelay isku si ayaa lagaaga xisaabinayaa. Lacag waxaa ah midda aan aanigu leeyahay ee jeebkayga ku jirta!”. Arrintkaasi wuxuu ii noqday cashar aan ilaa iyo maanta ilaaliyo kuna dhaqmo, taasi waa mid ka mid ah sababaha aan weligey Alle iigu ceebeyn amaano lay dhiibay.

Muddo ka dib waxaa Axmed lasoo weydiiyay inuu warbixin qiimeyn ah iga qoro, una diro Wasaaradda Maaliyadda. Inta ii yeeray ayuu yiri “shirow warbixinta aan kaa diri lahaa adigu hoo gacantaada ku qoro, laakiin waa ka cudurdaartay, waxaanna u sheegay in sidii uu wax u arako ii qiimeeyo warbixintana uu diro. Inta qoslay ayuu yiri: ”Haddii aad aqbali lahayd inaad adigu qorato, kalsoonida aan kugu qabo waa dhaawacmi lahayd. Mahadsanid. Markaas ka dib Axmed warbixintii laga soo codsaday ayuu diyaarsaday waana direy anigoo aan ogaanin waxa ku jiray, laakiin kama fileyn wax aan wanaag ahayn.

Intaas ka dib waqtigii uu socday dagaalkii 1977 ee Somali Galbeed ayaa waxaa la ii magacaabay Xisaabiyaha Degmada Ceel Waaq ee Gobolka Gedo, laba sano kadibna waxaa la ii magacaabay Xisaabiyaha Degmooyinka Saakow iyo Dujuuma ee Gobolka Jubada Dhexe.

Sannadkii 1981dii waxaan dib laygugu soo celiyey Muqdusho, waxaana la ii magacaabay Xisaabiyaha Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare. Laba sano kadib waxaa la ii magacaabay Xisaabiyaha idman ee Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka. Markii aan Xamar kusoo laabtay waxaa sidoo kale ii suura gashay inaan waxbarashadii dugsiga sare ka dhammaysto dugsigii Aqoondersadka, oo ahaa mid loogu talagalay dadka shaqaalaha ah ee aan dhigan karin iskullada caadiga ah.

Intaas ka dib waxaa la ii magacaabay xisaabiyaha idman ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka oo aan ku bartay oo markaas wasiir ka ahaa Xuseen Kulmiye Afrax madaxweyne ku xigeenkii hore (AUN). Xuseen kulmiye Afrax wuxuu ahaa khabiir dawladnimo, khabiir dhaqanka Soomaaliyeed, khabiir Maamul, khabiir amni iyo khabiir hormarineed; meel uusan bad ku ahayn, kuna fiicnayn ma jirin, waxaan ka faa’iiday wax badan oo aan la soo koobi karin haba ugu badnaadeed xalinta dhacdooyinka maamulka iyo bulshada. Marka lugu daro Axmed Aw Muuse, Xuseen Kulmiye wuxuu ahaa qofkii labaad ee saamaynta ugu badan igu yeeshay xagga maamulka, aqoonta dhaqanka Soomaaliyeed & guud ahaan falsafadda dowladnimada.

Laba Sano ka dib waxaa laysku daray labadii wasaaradood ee Qorsheynta Qaranka iyo wasaaraddii Horumarinta Dooxada Jubba, waxaana xisaabiye idman looga dhigay xisaabiyihii wasaaradda kale anigana waxaa lay wareejiey xafiiska Xisaabiyaha Guud, iyadoo la ii magacaabay kormeerka iyo baarista xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Hay’adaha Dawladda. Intii aan halkaas joogay waxaan baaritaan ku sameeyey qaar ka mid ah hay’adihii dowladda ee waqtigaas jiray.

Sananadkii 1988 waxaa ley magacaabay xisaabiyaha gobolka Galgaduud, waxayse kusoo aadday iyadoo ay xoogeysteen jabhadihii riday dowladdii dhexe, iyadoo ay dagaallo ka dhaceen magaalada Dhuusamareeb lafteeda oo goobteyda shaqo ahayd. Waxaan xasuustaa inaan markii dambe oo sansaankeedu soo xumaaday aan lug uga soo baxay halkaas, ilaa aan kasoo gaaro deegaankii ay hooyaday joogtay ee tuulada Budbud. Wax yar ka dibna waxaa magaalada Muqdisho ka qarxay dagaalkii lugu riday dowladii Maxamed Siyaad Barre, oo ay talada kula wareegtay jabhaddii USC.

Intii uu socday dagaalkii lugu riday dowladdii dhexe, waxaan reerkayga ula qaxay tuulada Budbud ee gobolka Galguduud oo ay joogtay hooyadeey Faadumo Cali Nuur -AUN. Dagaalkii markuu joogsaday waxaan kusoo noqday Muqdisho oo ay ka billaabatay fowdadii dowlad la’aanta & xafiiltankii Jabahadaha oo saameyntiisu sannado badan jiitameysay.

Markaas ka dib marxalad cusub ayaa billowday, dalkuna wuxuu galay hubanti la’aan. Waxaa billowday jaha wareer dhinac kasta ah haba ugu darnaado ammaanka. Dhibka ugu weyn wuxuu qabsaday dadkii dowladda u shaqeyn jirey kuna noolaa mushaarka ay shaqestaan. Waxaa arrimuha furohoodu gacanta u galay dadkii safka hore uga jiray jabhadaha, hoggaamiyeyaashii dagaallada iyo intii ka ag dhoweyd. Qof kasta oo xishooday kana gaabsaday inuu qeyb ka noqdo wixii socday, keyd uu u baxsadana aan lahayn, sideydoo kale, waxaa u billowday nolol dhib iyo xanuun badan, oo ay adagtahay in tilmaan lugu soo koobo ama looga sheekeeyo.

1991 waxaa qarxay dagaalkii lugu hoobtay ee Afar-biloodka (Cali iyo Caydiid) oo dhinac socotay duruuf nololeed oo xanuun badan, aniga oo runtii la kulmay duruufo adag oo ilaahey iga samata bixiyay. Arrinkaas waxaan uga mahad celinayaa, abaalweynna uga haaya xaaskaga hooyada u ah carruurtayda qayb mid ah, Saciido Maamuud Jumcaale (Siciido Joorje) isla markaana ah ina adeertey uu dhalay adeerkey Maxamuud-Joorje, da’dii ka weyneed Aabahay. Waxay reerka badbaadintiisa ka qaadatay kaalin lama illaabaan ah waxayna aniga iyo carruurtaba noogu dadaashay si weyn runtii ma gudi karo aballkeeda (Allaha u abaal gudo, jannadiina haku abaal mariyo), Iyadoo welina dadaalkeedii iyo daryeelkii reerka halkeedii ka sii wadda .

Runtii in kastoo aan ku jiray duruuftaas adag haddana ma quusan, mar kastana waxaan u hanqal taagaayay inay dhalato dowlad Soomaaliyeed, anigoo xaafaddeyda ku haayay qaar ka mid ah dukiimtiyadii muhiimka u ahaa xisaabaadka, lana sugaayay inaan qaranka ugu shaqeeyo.

1992 Markii uu dhamaaday dagaalkii afar-biloodka waxaa shaqo iigu yeeray dowladdi Cali Mahdi-AUN, oo kusoo koobantay Waqooyiga Muqdisho, ka dib markii loo keenay lacagtii N’da ahayd oo laga isticmaali jiray halkaas. Waxaan billaabay inaan kala shaqeeyo dhinaca xisaabaadka, anigoo u keenay ducumentigii wasaaradda maaliyadda ee ahaa F.35 iyo F.3 kaasoo aan ku xafidi jirey gurigii aan ka deganaa xaafadda SIINAY (ilaa haddana aan deganahay). Muddo yar ka dib maamulkaasi waa socon waayay waxaana dhammaaday hawshii aan la weday.

Waqtigii ay dalka joogeen ciidamada uu mareykanku hoggaaminaayay ee UNOSOM, waxaan xubin ka noqday golaha deegaanka ee degmada Galcad 1994/1995. Golahaas oo ka koobnaa 21 xubnood waxaan masuul uga noqday qeybta arrimaha bulshada, laakiin maamul dhisiddaasi wax badan ma shaqeynin, waxayna la dhimatey ka bixiteenkii UNOSOM ee waddanka.

Weligey igama dhammaan rejada aan ka qabo in xirfaddeyda shaqo aan ugu shaqeeyo dowlad Soomaaliyeed, sidaa darteed sannadkii 2000 markii la soo dhisay dowladii Carta ee uu Madaxweyhaha ka ahaa Cabdiqaasin Salaad Xasan ee deganayd Hotel Ramadaan ayaa iyaduna iigu yeertay inaan kala shaqeeyo dhinaca maaliyadda, laakiin muddo ka dib waxaa xoogeystay mucaaradkeedii waxaana laga aaday shirkii Imbagaati oo lugu soo billaabay asaaska dowladda maanta jirta.

Muddooyinkaas waxaan dareemay inuu soo dhowyahay waqtigii waddanka is beddel ka dhici lahaa sansaankiisuna waa ii muuqday, in kastoo uu daahay. Anigoo dareemaayay in aalladdii ‘teebka’ ee waagii hore xafiisyada lugu isticmaali jirey ay hawl gabtay, booskeediina uu soo gelayay kumbiyuutawrku, waxaa isticmaalka asaasiga & xisaabaadka kumbuutarka ka bartey machadkii Somali National Computer Institute (NCI) oo ku yiillay Bakaaraha. Sidoo kale waxaan go’aansaday inaan waxbarashada jaamacadeed billaabo, angoo galay Jaamacadda SIMAD 2005/2006. Aniga oo weli jaamacadda dhigta semesterrada hore, ayaa waxaa ii yeeray golohii Maxkamadaha oo ii soo bandhigay inaan dhanka maamulka maaliyadda kala shaqeeyo maamulkoodii Gobolka Shabeellaha Dhexe Jawhar. Seddax bilood ka dib waxaa dumay maamulkii Maxaakimta markii ay dalka soo galeen ciidamadii Itoobiya.

Markaas ka dib waxaa ii yeertay Dawladii Cabdullahi Yuusuf oo deganayd Baydhabo aniga oo hawl bilaabay Xafiiskii Xisaabiyaha Guud ee Dawladda oo aan shaqayn jiray Dawladii Maxamed Siyaad Barre, waxaan u mahad celinayaa oo aan wanaag iyo abaal badan uga hayaa Mudane Maxamed Rashid Sh. Daahir oo ahaa Xisaabiyaha Guud ee Dawladda ee waqtigaas oo ii soo dhoweeyay si wanaagsan.

Intaas kadib 2008 waxaan ku wareegay Wasaaradda Maaliyadda oo aan wax ka furay xafiiskii ugu horeeyay ee burburkii ka dib. Waxaan ahaa qofkii diyaariyey dukumiintiyadii ugu horreeyey ee ay dib ugu shaqo billowday Wasaaradda maaliyaddu waqtigaas, iyadoo ilaa iyo hadda kaydka wasaaradda laga heli karo feylashaas. Laga soo billaabo waqtigaas ilaa iyo maanta waxaan ka shaqeeyaa Isla Wasaaradda anigoo haya jagada Agaasimaha Maamulka Lacagta.

Markii aan dib uga shaqo billaabay wasaaradda maliyadda, sidoo kale waxaa ii suurtagashay inaan dib u billaabo waxbarashadeydii jaamacadda. Waxaan beddelkeygii labada semester kasoo qaatay jaamacadda SIMAD, anigoo Bachelor of Science in Business Administration ka qaatay jaamacadda Jamhuriya University of Science and Technology (JUST) ee magaalada Muqdisho sannadkii 2016.

Anigoo maanta u dabbaal degaya sannad guuradii 50-aad, anigoo dalka iyo dadka duruufo kala duwan ugu soo shaqeeyey, waxaad aad ugu faraxsanahay inaan dalkeyga maalinna ka bixin, dadkeygana la qeybsaday macaan iyo qaraar wax kasta oo aysoo mareen. Diyaaradda kaliya ee aan weligey raacey waxay ahayd safar 40 daqiiqo ahaa oo aan kasoo galay Ceel dheer kuna imid Muqdisho. Xitaa markii aan ka shaqeyn jirey degmada Ceel Waaq, oo u dhow xuduud-ka Kenya, weligey maalinna uma tallaabin xaggooda!.

Waxaan si weyn ugu mahad naqayaa Alle subxaanahu watacaala oo iga soo badbaadiyey khataro badan iiguna kaalmeeyey inaan sida ugu fiican u guto waajibkeyga. Waxaan u mahad celinayaa qof kasta (inta aan xasuusto iyo inta aanan xasuusan) ee aan qayeb ka wada ahayn shaqada qaranka isuna kaashannay wanaajinteeda. Waxaan sidoo kale u mahad celinayaa qof kasta oo i garab istaagay maalin ka mid ah hayaanka nolosheyda.

Waxaa qoray Shire Axmed Jimcaale, Agaasimaha Maamulka Lacagta ee Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More