Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo warbixin siinaya Golaha Wadatashiga Qaran

May 15 (Jowhar.com)-Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo C/qaadir Axmed Firdhiye ayaa la fillayaa inuu goordhow warbixin siiyo Golaha Wadatashiga Qaran ee NCC oo shirkooda maalintii labaad galay.

Sida mackuumaadka la helayo ay tilmaamayaan, Mr Firdhiye ayaa Madasha uga warbixin doona xaalada deegaannada SSC-Khaatumo iyo is bedeladii ka dhacay.

Inkastoo Hoggaamiye Firdhiye xubin ka aheyn Madasha Wadatashiga Qaran, haddana tan iyo markii uu shalay soo gaaray Muqdisho shirar la yeeshay xubnaha labada gole ee dowladda iyo madaxda maamul goboleedyada, waxaana maalinta berri lagu wadaa inuu u ambabaxo dalka Talyaaniga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More