Hoggaamiyaha SSC oo qaaday talaabo culus oo ka dhan ah Puntlamd

Oct 10 (Jowhar.com)-Hoggaamiyaha SSC ayaa sheegay in doorashada soo socota ee Puntland aanay ka dhici doonin deegaanada Khaatumo haddii ay qof iyo cod noqoto iyo haddii ay xulistii isimada noqotoba.

Mr. Firdhiye wuxu xusay in ay yeesheen maamul cusub iyo nidaam ka duwan kuwii hore ee deegaanka isku haystay taas bedelkeedana ay ka deegaan ahaan ka baxeen Puntland.

“Dadka ka soo jeeda SSC, doorashada soo socota ee Puntland kama qayb gelayaan, dadka deegaanka ayaa sidaa go’aansaday, odayaashii soo xuli jiray ayaana go’aankaa qaatay” ayuu yiri.

Tani ayaa ka dhigan in dadka SSC soo xuli doonin 17-kii Xildhibaan ee Puntland doorashadeeda ka qeybgali lahaa.

Si kastaba, talaabadan Waa warkii ugu cuslaa oo kuwajahan xaaladdan kala guurka ah ee Puntland, talaabadan ayaa ka dhigaysa isbedel weyn oo siyaasi ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More