Hormuud Telecom oo ka qeybgashay Shirweynaha Mobile World Congress oo lagu qabtay magaalada Barcelona

Mar. 02 (Jowhar.com)- Waxaa maanta magaalada Barcelona ee dalka Spain lagu soo gunaanaday shirweynaha Mobile World Congress (MCW2023).

Shirkan oo uu sanad kasta soo agaasimo Ururka Isgaarsiinta Moobeellada Adduunka ee GSMA ayaa ah bandhigga ugu weyn ee ay ku kulmaan shirkadaha isgaarsiinta iyo tiknoolajiyadda dunida ee isku xira bulshooyinka caalamka,ee ay uga doodaan mustaqbalka isgaarsiineed iyo tiknoolajiyadeed ee dunida.

Madashan ayaa sanad kasta lagu falanqeeyaa hal-abuurkiii iyo farsamooyinkii isgaarsiineed ee ugu dambeeyay, waxa ayna shirkaduhu si hordhac ah ugu soo bandhigaan qalabyada casiga ah ee ay qorsheynayaan in ay sanadkan u iibgeeyaan suuqyada caalamka.

Xarunta Fira Barcelona ee magaalada Barcelona ayaa martigelisay dad ku dhow 120,000 oo ka kala yimid 220 dal ka badan iyo shirkado gaaraya 2,000 ayaa sanadkan ka soo qeybgalay shirkan oo socday 4 maalmood.

Hormuud Telecom oo ah shirkadda isgaarsiineed ee ugu weyn Soomaaliya ayaa ka mid ahayd shirkadihii lagu casuumay shirkan, oo kulmiyay shirkadaha jiheeya mustaqbalka isgaarsiinta iyo tiknoolajiyadda caalamka, sida Google, Microsoft, Huawei, Samsung, Nokia, Xiaomi, Cisco, Asus, Siemens, Sony, Dell, Lenovo, IBM, HP, LG, OPPO, Qualcomm, Meta, Ericsson, TATA, AT&T, British Telecom, SK Telecom, Telenor, Verizon, T-Mobile, Orange, iyo Vodafone.

Wafdi ka socdo Hormuud Telecom oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Shirkadda, Axmed Maxamed Yuusuf ayaa shirka kula kulmay madaxda GSMA, waxa ayna sidoo kale kulamo la yeesheen shirkadaha Microsoft, Nokia, Samsung, Meta, Google Android, ZTE, CISCO, Qualcomm, Etisalat, Netcracker, i2i Systems iyo TM Forum.

Hormuud Telecom ayaa sanadihii u dambeeyay si weyn uga dhex muuqatay Ururka Isgaarsiinta Moobeellada Adduunka, oo ay ku bishay magaca Soomaaliya. Dadaallada joogtada ah ee ay ku horumarinayso isgaarsiinta iyo tiknoolajiyadda dalka ayuuna Ururka GSMA waxa uu sanadkii 2022 ku abaalmariyay billadda GLOMO Awards iyo shahaadada GSMA Mobile Money Certification.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More