Horyaalka Kubbada Cagta Puntland oo la soo gabagabeeyay

June 05(Jowhar.com)- Madaxweynaha Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa galabta soo xiray Koobka kubadda cagta Naadiyada heerka koowaad ee Gobollada Puntland, isagoo daawaday Ciyaarta kama danbeysta ah Final-ka Koobka oo ay isugu soo hareen Kooxaha HomboboroFC iyo ComsedFC, wuxuuna Koobka guddoonsiisay Kooxda HomboboroFC oo ku guuleysatay Gool-Ku-Laad.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyey Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Xiriirka Ciyaaraha, taageerayaasha iyo dhammaan dhinacyadii kala shaqeeyay sidii wanaagsaneyd ee Koobka u qabsoomay.

“Waxaan u hambalyeeynayaa Kooxda kubadda cagta ee Homboboro FC oo ku guuleysatay Koobka Horyaalka Naadiyada Heerka koowaad ee Puntland, sidoo kale waxaan boggaadinaya Kooxda Comsed oo iyana dadaalay oo galay kaalinta labaad ee tartanka.”ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in maamulkiisu uu muhiimad balaaran siinayo horumarinta ciyaaraha.

“Dowladda muhiimad gaar ah ayeey siisay dhallinyarada,waxaanuna u sameynay Wasaarad gaar u ah arrimaha dhallinyarada iyo Ciyaaraha,waan boggaadinaya Wasaaradda, Xiriirka Ciyaaraha, Kooxaha ka qeybgalay tartanka, taageerayaasha , garsoorka iyo dhammaan dhinacyada ka wada qeyb qaatay Koobka. Hambalyo“ ayuu yiri Madaxweynaha Siciid Cabdullaahi Deni.

Munaasabadda xiritaanka Koobka naadiyada horyaalka Gobolada Puntland, waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Marwo Hodan Saciid, Xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda, Duqa Caasimadda Garoowe , Xiriirka Ciyaaraha, Lataliyeyaal iyo martı sharaf kale.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More