Ilhan Cumar oo ka hadashay wararka la xiriira in loo diiday safar ay ku tagto Boosaaso.

Dec. 26 (Jowhar.com)-Xildhibaan Ilhan Cumar oo ka tirsan Golaha Wakiilada Maraykanka ayaa been-abuur ku tilmaantay war la faafiyey oo ahaa  in laga hor istaagay socdaal ay ku tegi lahayd Boosaaso.

Xildhibaan Ilhan Cumar ayaa sheegtay in waxba kama jiraan yihiin wararka ku saabsan in laga hor istaagay socdaal ay ku tagi leheyd magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

“Warkaas waxbo kama jiro, waan xiisaynayay in aan Boosaaso tago se wakhtigaa aad iigu yaraaday, waanan rajeynayaa in marka danbe ee aan soo laabto aan Boosaaso gaadho” ayay BBC-da u sheegtay Ilhan oo ku sugan Muqdisho.

Si kastaba, Warbaahinta gudaha waxay sheegeen in madaxweyne Deni uu amar ku bixiyay in Ilhan Cumar aysan tagin magaalada Boosaaso, si aanay ula kulmin siyaasiyiin iyo madax dhaqameed uu Deni khilaaf kala dhaxeeyo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More