In ka badan 100 ajaanib ah iyo dad dhaawac ah oo ka gudabay xadka dalka Masar

Nov 01 (Jowhar.com)-Waddada Rafah ee ka soo baxda Qaza ilaa Masar ayaa la furay markii ugu horreysay tan iyo markii Israa’iil go’doominta ay billowday in ka badan saddex toddobaad ka hor.

Ugu yaraan 20 bukaan oo Falastiiniyiin ah, iyo 110 laba dhalasho ah, ayaa ka tagay Gaza gaarayna gudaha dalka Masar.
Waxaa loo malaynayaa in 88 ruux oo falastiiniyiin ku dhaawacmay duqeynta Qaza iyo iyo ku dhawaad ​​500 oo ajaanib ah loo ogolaan doono in ay ka gudbaan xadka wejiga koowaad.

Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa soo dhaweeyay daadgureynta ugu horreysa ee bukaannada dhaawaca ah ee laga soo saaray Marinka Gaza, laakiin waxay walwal ka muujisay kumanaan rayid ah oo dhaawacmay iyo dadka qaba cudurrada dabadheeraadku ay sidoo kale u baahan yihiin daaweyn.

In ka badan 1,000 bukaan ayaa u baahan kelya sifaynta si ay u noolaadaan; 2,000 bukaan ayaa qaata daawaynta kansarka, 45,000 oo qof ayaa qaba cudurrada wadnaha iyo xididdada dhiigga iyo in ka badan 60,000 ayaa qaba cudurka macaanka kuwaasoo ku sugan Qaza.

Waxaa la shaaciyay magacyada illaa shan boqol oo ruux oo loo oggol yahay in ay ka gudbaan xadka waxaana ka mid ah Falastiiniyiinta haysta dhalashooyinka Japan, Austrian, Bulgarian, Indonesian, Jordanian, Talyaani, Giriig, Australia iyo Czech.

Waxa kale oo jira liiska dadka u shaqeeya NGO-yo kala duwan oo haysta baasabooro sida Spain, Italy, Philippines, Haiti, Germany, US, Taiwan, Japan, Austria, Mexico, France, Kenya, Nigeria, South Africa, Armenia, Uganda, Ghana , Jordan, Sierra Leone, Ukraine, Czech Republic, New Zealand iyo Australia.

Israa’iil ayaa sheegtay in 11 askari lagu dilay dagaal dhulka ah oo ka dhacay Gaza Talaadadii, taasoo ka dhigaysa tirada militariga Israa’iil laga dilay tan iyo 7-dii Oktoobar 326

Israa’iil ayaa duqeymo ka waday Gaza tan iyo 7-dii Oktoobar weerarradii Xamaas ee ay ku dhinteen 1,400 oo qof iyadoo 239 qof ay qafaasheen.

Wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ee Gaza ayaa sheegtay in in ka badan 8,700 oo qof lagu dilay tan iyo markii Israa’iil duqeymo aargoosi ah ay bilowday.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More