Is rasaaseyn ka dhacday magaalada Jowhar oo sababtay dhimasho

Nov 03 (Jowhar.com)Ugu yaraan labo ruux ayaa ku geeriyootay oo mid ka mid ahaa qof rayid ah iskahorimaad hubeysan oo ka dhacay maanta magaalada Jowhar.

Iskahorimaadkan ayaa la sheegay inuu dhex maray ciidamo milatari ah iyo kuwa Danab ah kadib markii uu khilaaf soo kala dhex galay.

Askari kamid ah ciidamada Danab ayaa wararku sheegayaan inuu ku dhintey israsaaseyntan halka qof rayid ah oo ganacsade ahaa ay goobtiisa ganacsi ugu tagtay xabad wiifto ah.

Xaalada magaalada ayaa degen hadda iyadoo halkaasi ay gaareen ciidamo boolis ah waxaana dib u bilowday isu socodkii iyo ganacsigii oo muddo kooban hakad ku yimid.

Ma jiro illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Hirshabelle oo la xiriira is rasaaseyntan qasaaraha geysatay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More