Isbitaal Ciidamada u gaar ah oo laga dhisay Kismaayo

June 07(Jowhar.com)-Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xarigga ka jaray Isbitaalka loogu tala galay Ciidamada Jubbaland oo ay maamulka u ka hirgaliyey agagarka dugsiga tababarka Ciidanka Daraawiishta Jubbaland.

Munaasabadda xarig jarka Isbitaalka waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland iyo qaar kamida howlwadeenada Isbitaalka ka howlgalaya.

Isbitaalka ciidamada loogu tala galay ayaa ahaa mid si wayn baahi loogu qabay,Islamarkaana hadda dabooli doono baahiyaha dhanka caafimaad ee qeybaha kala duwan ee ciidamada.

Isbitaalka ayaa ah mid si casri ah loo dhisay loona dhameystiray agabkii Isbitaalku u baahna iyo guud ahaan qeybihii kale ee muhiimka ahaa howlaha caafimaadka ee xaruunta.

Furitaanka isbitaalka ayaa waxa ay ku soo beegantay iyadoo Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam uu tababar ugu soo xiray dugsiga tababarka ciidanka Darawiishta Jubaland ee akadeemiyo guutada Birjeex ee ciidamada darawiishta Jubaland.

Guutadan oo mudooyinkii u danbeeyay uu tababar uga socday magaalada Kismaayo ayaa diyaar u ah howlgalo ay dhawaan ciidamada Jubaland bilaabayaan dagaalo ka dhan ah hAlshabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More