Israaiil oo dalkeeda ka mamnuucday warbaahinta Aljazeera

May 05 (Jowhar.com)- Golaha Wasiirada ee Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay in la xiro howlaha Aljazeera ee Israa’iil, sida lagu sheegay war ka soo baxay dowladda.
Codeynta golaha wasiirada ee Axadii ayaa timid kadib markii baarlamaanka Israa’iil uu meel mariyay sharci ogolaanaya in si ku meel gaar ah loo xiro warfidiyeennada ajnabiga ah ee loo arko in ay khatar ku yihiin amniga qaranka inta lagu guda jiro dagaalka bilaha ah ee Gaza.
Netanyahu ayaa go’aanka kaga dhawaaqay bartiisa X, oo hore u ahaan jirtay Twitter. isagoo ku sheegay luqada cibraaniga ah in dowladiisu goaansatay in la xiro kanaalka al jaziira.

Qoraal kale oo X ah, Wasiirka Isgaarsiinta Israel Shlomo Karhi ayaa sheegay in uu saxiixay amarada ka dhanka ah Al Jazeera, kuwaas oo si degdeg ah u dhaqan gali doona.

Karhi waxa kale oo uu amar ku bixiyay in la qabto qalabkii baahinta ee Aljazeera oo ay ku jiraan qalabka tafatirka iyo habaynta, kamaradaha, makarafoonnada, server-yada iyo laptop-yada, iyo sidoo kale qalabka gudbinta wireless-ka iyo qaar ka mid ah taleefannada gacanta.

Israa’iil ayaa muddo dheer xiriir adag la lahayd Al Jazeera, oo ay ku eedaysay inay ka eexday oo ay gacan saar la leedahay Xamaas. Shabakadda fadhigeedu yahay Qatar ayaa marar badan diiday eedeymahaas.

Bishii la soo dhaafay, Netanyahu wuxuu sheegay inuu si degdeg ah u qaadi doono si uu u joojiyo hawlgallada Al Jazeera ee Israa’iil ka dib markii baarlamaankooda uu ansixiyay sharci siinaya wasiirrada awoodo ay ku xiraan shabakadaha wararka ajnabiga ah ee loo arko inay khatar ku yihiin ammaanka.

Xamaas ayaa cambaareysay go’aanka Israel ay ku xireyso Al Jazeera, iyadoo ugu baaqday xuquuqul insaanka caalamiga ah iyo kooxaha saxaafadda inay cambaareeyaan oo ay qaadaan tillaabooyin ciqaab ah oo ka dhan ah isaraaiil .

“Xiritaanka TV-ga Al Jazeera waa tallaabo cadaadis ah iyo aargoosi doorka xirfadeed ee kanaalka ee soo bandhigida dambiyada iyo xadgudubyada qabsashada Gaza iyo [la qabsaday] Daanta Galbeed,” ayay tiri Xamaas.

in ka badan 50 weerar oo ka dhan ah saxafiyiinta Al Jazeera tan iyo 7-dii Oktoobar ayay qaaday israaiil.
Waliid Cumary, oo ah madaxa xafiiska Aljazeera ee Jerusalem, ayaa sheegay in ay jireen in ka badan 50 weerar oo ka dhan ah saxafiyiinta Aljazeera tan iyo 7-dii October.

Weriyaha Aljazeera ee Gaza, Wael Dahdouh, ayaa ku waayay xaaskiisa Amneh, wiil 15 jir ah Mohammed, inan 7 jir ah Sham iyo wiil uu awoowe u yahay Adam oo hal sano jir ah, weerar ay Israa’iil ku qaadday Oktoobar 25. Bishii Janaayo, ayuu wuxuu waayey wiil uu dhalay oo lagu magacaabo Xamza oo 27 jir ah.

Mohamed Abu al-Qumsan, oo ah Injineer dhanka baahinta ah oo ka tirsan xafiiska Aljazeera ee Gaza, ayaa 19 xubnood oo qoys ah, oo ay ku jiraan aabihiis iyo laba gabdhood oo walaalo ah, ku waayay duqeymo ay diyaaradaha Israel ku qaadeen xerada qaxootiga ee Jabalia 31-kii Oktoobar.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More