Israel oo amartay in deg deg looga boxo magaalada Rafah

May 12 (Jowhar.com)- Israa’iil ayaa tobanaan kun oo kale oo Falastiiniyiin ah u sheegtay in ay isaga baxaan Rafah, xilli ay sii xoojisay hawlgallada milatari ee koonfurta Qaza.

Warqado hawada lagasoo daadiyay iyo fariimo lagu qoray baraha bulshada ayaa loogu sheegay dadka deggan degmooyinka bari ee magaalada inay aadaan al-Mawasi – oo ah dhul xeebeed ciriiri ah kaas oo ay Israa’iil ugu yeertay “aag bani’aadannnimo oo fidsan”.

Qeybo ka mid ah magaalada Rafah oo ahayd meel ay wadooyinku buux dhaafiyeen dad shacab ah iyo dad barakacayaal ah maalmo ka hor ayaa hadda u muuqata magaalo ay dadku ka qaxayaan.

Israa’iil ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto howlgallada qorsheysan ee Rafax, inkastoo Mareykanka iyo xulafada kale ay ka digayaan in duullaanka dhulka uu horseedi karo in khasaare soo gaaro dad badan oo rayid ah ayna ka dhalan karto dhibaato bini’aadantinimo.

Sabtidii, madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in xabbad joojin laga sameeyo Gaza ay suurtogal tahay isla maalinta xigta, haddii Xamaas ay sii daayaan la haystayaasha.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More