Israel oo dishay saddex kamid ah maxaabiistii looga heystay Qaza

Dec 16 (Jowhar.com)- Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay si khalad ah u dileen saddex qof oo la qafaashay intii ay ku guda jireen ololaha ay ka wadeen Qaza ka dib markii si khaldan loogu aqoonsaday inay “halis” yihiin.

Waxaa lagu kala magacaabi jiray Yotam Haim, 28, Samer Tallalka, 22, iyo Alon Shamriz, 26. Milatariga ayaa la wadaagay sida ay uga xun yihiin, waxaana ay sheegeen in saddexda qof ay toogteen ciidamada ka howlgala Shejaiya, ee waqooyiga Gaza.

In ka badan 100 la haystayaal ah ayaa weli ku jira gacanta Qaza ka dib markii lagu qafaashay weerarradii 7-dii Oktoobar ee Israa’iil lagu qaaday.

Ciidamada difaaca Israa’iil (IDF) ayaa sheegay in dhacdadii Jimcihii ay baaritaan ku hayaan, waxayna sheegeen in ay ” si qoto dheer uga xun yihiin dhacdadaas naxdinta leh, waxayna u dirayaan qoysaska tacsi tiiraanyo leh “.

“Ujeedadeena qaran waa inaan helno kuwa maqan oo aan dib u celinno dhammaan la haystayaasha,” ayay sii raaciyeen.

Boqolaal dad ah ayaa isugu soo baxay bartamaha Tel Aviv ka dib arrintaas uu milatariga ku dhawaaqay, waxayna u dhaqaaqeen saldhig ay ciidamada IDF ku leeyihiin magaalada, iyagoo ugu baaqay dowladda inay heshiis ka gaarto sii deynta la haystayaasha harsan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More