Itoobiya oo si kulul ugu jawaabtay La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya

June 10(Jowhar.com)- Dowladda Itoobiya ayaa markii u horeysay ka hadashay warka kasoo baxay Lataliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya ee ku aadan bixitaanka ciidamadda Itoobiya.

Qoraal uu soo saaray Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya Nabiu Tedla waxa uu ku sheegay ineysan soo gaarin war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya, kaasoo looga dalbanayo iney ciidamadadooda kala baxaan dalkan.

Waxa uu hadalkiisa intaasi kusii daray in aysan jirin xiriir diblumaasiyadeed oo rasmi ah oo ka soo baxay dhanka Soomaaliya oo ku aaddan arintaan.

Nabiu Tedla ayaa shaaciyay iney sii wadayaan howlgalada amni ilaalinta ay ka hayaan Dalkan, qorshaha bixistana wali aan ka gaarin oo aan la helin ciidamadii bedeli lahaa ATMIS.

Si kastaba, Xiisada dhinaca Badda ee Soomalaiya iyo Itoobiya ayaa cirka sii gashay, waxaana socda qorshe la doonayo in dalka looga saaro ciidamadda Itoobiya, walow arrinkaasi ay durba diideen maamulada qaar sida Koofur Galbeed, Jubaland iyo Puntland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More