Joe Biden oo ka degey Paris si uu uga qeybgalo xuska Sanadguurada D-Day

Joe Biden oo ka degey Paris si uu uga qeybgalo xuska Sanadguurada D-Day

June 05(Jowhar.com)- Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa ka degay Faransiiska si uu uga qeybgalo xuska sannad-guurada 80-aad ee D-Day oo ay ka qeybgalayaan madax badan oo xulafo la ah Maraykanka.
Biden ayaa shan maalmood ku sugnaan doona Faransiiska isagoo gaari doono Normandy, halkaas oo ciidamada Maraykanka iyo xulafadooda ay weerar ku qaadeen xeebaha Faransiiska weerarkii gacan ka geystay jabinta Nazi Germany dagaalkii 2aad ee Adduunka.

Biden ayaa lagu wadaa inuu wadahadal la yeesho madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy si gacan looga siiyo Ukraine weerarada uu Ruushku ku hayo.

Afhayeenka amniga qaranka ee Aqalka Cad John Kirby ayaa sheegay in suurtagalnimada isticmaalka ilaa $300 bilyan ee hantida la xayiray ee Ruushka si loogu caawiyo Ukraine ay ka wadahadli doonaan Biden iyo Macron inta lagu guda jiro booqashada.

Biden, oo ah hogaamiyaha xisbiga Dimuqraadiga dalka Maraykanka , ayaa bisha November mar kale u tartamaya xilka madaxtinimada isagoo la tartami doono Donald Trump.

Trump ayaa diiday inuu aqbalo natiijada doorashada 2020, taasoo dhalisay weerar taageerayaashiisa ay ku qaadeen Aqalka Capitol ee Mareykanka 6-dii Janaayo, 2021; Waxa uu wacad ku maray in uu daba geli doono dadka ka soo horjeeda siyaasadda, musaafurin doono soo galootiga iyo in uu ciqaabi doono kuwa been abuurka ah mar labaad.

Trump ayaa ku hanjabay in uu ka tagi doono xulafada NATO hadii aysan xoojin qarashka dhanka difaaca oo ay qaarkood ka cabsi qabaan in uu Mareykanka gabi ahaanba ka saaro isbaheysiga hadii mar kale loo doorto xilka madaxtinimada.

Fariinta Biden ee dimuquraadiyadda waxa ay noqon kartaa mid adag kadib markii uu si weyn u taageeray Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Netanyahu dagaalka ay Israa’iil kula jirto Xamaas ee Gaza, kaas oo ay ku dileen tobanaan kun oo Falastiiniyiin ah, ka dib markii Xamaas ay weerartay Israa’iil bishii Oktoobar ee sannadkii hore, oo ay ku dishay in ka badan kun.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More