Jubaland iyo Koofur Galbeed oo si cad u diiday in dalka laga saaro ciidamadda Itoobiya

Jun 04 (Jowhar.com)-Mas’uuliyiin ka tirsan maamul goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubaland ayaa muujiyey inaysan la dhacsanayn in ciidamada Itoobiya ay ka baxaan Soomaaliya dhammaadka sannadkan.

La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali ayaa Jimcihii sheegay in dawladda Soomaaliya filayso in dhammaan ciidamada Itoobiya ay ka baxaan Soomaaliya dhammaadka sannadkan, marka uu dhammaado hawlgalka ATMIS.

Xuseen Sheekh Cali, oo ka hadlay X Space ay leedahay Idaacadda Goobjoog, ayaa sheegay inay jiri doonaan ciidamo ka socda waddamada kale ee ka tirsan ATMIS oo sii jooga Soomaaliya qaybna ka noqonaya hawlgalka beddelaya ATMIS oo aan weli magac loo bixin, balse la filayo inay xilka la wareegaan laga bilaabo Janaayo 2025-ka.

Hase yeeshee fikardo taas ka duwan waxaa bixiyey mas’uuliyiin ka tirsan labada maamul oo degaanadooda ay ka hawlgalaan ciidamada Itoobiya.

Madaxeyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa u sheegay VOA inay arrintaasi tahay “xaalad adag.”

“Waxaa kaliya oo ka faa’iidaya waa khawaarajta, mana ahan arrin la isku raaci karo dadka wax wada leh,” ayuu yiri.

Sidoo kale Wasiirka Amniga ee Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Xasan Cabdulqaadir Maxamed ayaa VOA u sheegay in haddii ay ciidamo ajnabi ah ay joogayaan Soomaaliya inay jecel yihiin kuna faraxsan yihiin joogitaanka ciidamada Itoobiya.

“Haddii hadda dalka ciidankaas laga wada saarayana waxay u baahatan yahay in laga tashto oo cid keliya aysan go’aan ka gaari karin. Koonfur Galbeedna way ku faraxsan tahay inay Itoobiya sii joogto,” ayuu yiir Xasan Cabdulqaadir.

VOA waxay la xiriirtay La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Sheekh Cali, iyo afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Itoobiya Nebiyu Tedla oo aan arrimahan wax uga weydiino, hase yeeshee labaduba weli kama soo jawabain codsigeenii.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More