Kacdoonka ka dhanka ah Shabaab oo ka bilaabanayo gobolka Sh.Hoose.

Nov. 16 (Jowhar.com) -Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed C/casiis Lafta-Gareen ayaa sheegay in howlgalka ka dhanka Shabaab ee ka socda dalka uu ka bilaabanayo gobolka Sh.Hoose.

“Gobolada Somaliya oo dhan waa laga istaagay, annagana sidaas oo kale ayaan ku baaqaynaa meel kastoo ay dadka reer Koonfur Galbeed jooggaan inay u istaaggaan, hawlgaladiina way ka bilowdeen Koonfur Galbeed, Gobolada Bakool iyo Baay-na way ka socdaan hawlgalada.” Ayuu yiri Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha oo ka hadlayay kulan ka dhacay degmada Baraawe ayaa tilmaamay in gobolada Baay iyo Bakool ay ka socdaan gulufka dagaal ee ku foorara Shabaab,Ciidamadda iyo Shacabka Sh.Hoose ayuu amray iney iyaguna dhankooda diyaar garoobaan.

“Waxaan rabnaa sidaas oo kale Gobolka Shabellaha Hoose in laga bilaabo hawlgaladii lagula dagaalami lahaa Shabaab, shacab iyo dowlad-na gacmaha la is qabsado, sida dadka Soomaaliyeed ay ula dagaalamayaan loola dagaalo. ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa carabka ku adkeeyay in dowladda diyaar u tahay taageeerada looga baahan yahay si Shabaab gobolkaasi looga saaro, isagoo ku taliyay in laga faa’ideysto tabar darida xiligan heysata Kooxda Al-Shabaab.

“Marka qof kasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah, gaar ahaan dadka Gobolka Shabellaha Hoose degan, ciidamadoodii iyo shacabkooduba, ayaga culeyskoodu waa yar yahay, intaan yar ee hartayna hala is raaciyo, hala is dhaafiyo. Halaga faa’iideysto hawlgalada iyo dhaqdhaqaaqyada ciidan ee socda, shacabkana ha garab istaaggaan.” ayuu madasha ka sheegay madaxweynaha Koofur Galbeed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More