Kenya oo xirtay sarkaal Shabaab dhalinyaro uga qorayay Mombassa

Dec 23 (Jowhar.com)-Sarkaalkan ayaa waxaa xabsiga dhigay ciidanka la dagaalanka argagixisada ee ATPU-da oo baaritaan ku waday, kadib markii lagu eedeeyay inuu dhalinyaro u qorayay Al Shabaab.

Baadhitaanno ka dib, booliisku waxey ogaadeen in sarkaalku aanu ahayn nin Shabaab askar u qorayay balse uu ka tirsan yahay kooxda argagixisada ah.

Booliska ayaa sheegay in askariga uu beegsaday dhalinyaro ka soo jeeda ismaamulka Tana River.

Waxaa lagu soo bandhigay Maxkamadaha Sharciga ee Shanzu halkaas oo sidoo kale lagu soo oogay dacwad ah in uu haystay daroogo.

Waxaa xiray saraakiisha ATPU ee Malindi 22-kii Noofambar waxaana lagu hayay saldhigga booliiska Malindi oo baaritaan lagu hayay 28-kii maalmood ee ugu dambeeyay.

December 21, Sarkaalka ayaa la horgeeyay Maxkamadda Sare ee Magistrate, Shanzu ee Mombasa, halkaas oo lagu soo oogay afar dacwadood oo ay ku jiraan hurin rabshado.

Askariga ayaa diiday eedeymaha loo soo jeediyay, waxaana lagu xiray xabsiga Shimo La Tewa inta uu go’aan ka gaarayo codsigiisa dammaanad qaadka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More