Khabiir ka tirsan UNka oo ku eedeeyay dowlada Soomaaliya xadgudub xuquuqul Insaanka

May 09 (Jowhar.com)-Warbixin ay soo saartay Ms. Isha Dyfan oo ah khabiir u qaabilsan Qaramada Midoobay xaalada xuquuqul insaanka dalka Soomaaliya ayaa waxaa ay ku sheegtay in looga baahan yahay dowlada Soomaaliya in sare u qaado xaalada xuquuqul insaanka, dowladnimada loo dhan yahay iyo isla xisaabtanka.
Ms Isha oo u dhalatay dalka Sierra Leone oo dhowr jeer timid dalka Soomaaliya ayaa waxaa ay warbixinteeda ku sheegtay in dadka rayidka ah gaar ahaan haweenka ay kala kulmaan dhibaatooyin Alshabaab iyo ciidamo kale.

Sidoo kale waxaa ay warbixinta ku sheegtay haweeneydan in ciidamada Soomaaliya iyo kuwa saaxibada la ah howlgalada ay sameeyaan ay saameeyn ku yeeshaan dadka rayidka ah.

“Inkastoo aan soo dhaweynayo qorshaha dowladdu u dejisay laamaha amniga sannadaha soo socda, waxaan ku boorrinayaa mas’uuliyiinta inay si taxadar leh u maareeyaan isbeddelka amniga si looga hortago rabshadaha iyo xadgudubyada xuquuqda aadanaha.”ayay ku tiri warbixinta ay soo saartay khabiirkan oo markeedii saddexaad booqasho ku timid Soomaaliya.

“Xadgudubyada galmada iyo jinsiga, gaar ahaan eedeymaha ee kufsiga iyo kufsiga kooxeed ee ay weheliyaan dilalka oo inta badan la sheego inay dhacaan, loo baahan yahay in si hufan wax looga qabto, iyadoo la hubinayo in dambiilayaasha lagu soo oogo lana horkeeno sharciga.”ayay sii raacisay.

Warbixintan ayaa sidoo kale waxa lagu muujiyay in saxafiyiinta Soomaaliyeed ay la kulmaan cagajugleyn iyo xarig.

“Waxaan aad uga walaacsanahay sii socoshada xayiraadaha lagu hayo goobaha madaniga ah, oo ay ku jiraan cagajugleyn, xarig aan loo meel dayin,xarigga saxafiyiinta iyo shaqaalaha warbaahinta taasoo horseedaysa faafreeb.”ayay tiri khabiirkan ka tirsan Qaramada Midoobay.

Dyfan ayaa bogaadisay horumarrada sharci-dejinta, oo ay ku jiraan codeynta wax ka beddelka afarta cutub ee ugu horreeya ee Dastuurka KMG ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya si kor loogu qaado horumarinta dimuqraadiyadda, sareynta sharciga iyo xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya.

“Waxaan ka codsanayaa beesha caalamka inay sii wadaan kaalmadooda Soomaaliya ee ku aaddan xoojinta hay’adaha dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada si kor loogu qaado sarreynta sharciga iyo xuquuqul insaanka.

Waxaan sidoo kale ku boorrinayaa beesha caalamka inay xoojiyaan waxqabadkooda bini’aadantinimo ayna xoojiyaan adkeysiga mustaqbalka fog ee ka dhanka ah masiibooyinka mustaqbalka ee Soomaaliya iyadoo dalku uu weli wajahayo caqabado ba’an oo bini’aadantinimo iyo cimilo,” ayay raacisay warbixinteeda khabiirka madaxa-banaan.

Soo saarista warbixintan ayaa waxaa ay ku soo beegmeysaa xilli ay dowlada federalka Soomaaliya ka codsatay Qaramada Midoobay inaysan waqti kale ugu darin Hawgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano (UNSOM).

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More