Khasaare ka dhashay Qaraxyo lagu weeraray banaanbaxayaashii Muqdisho

Jan. 12 (Jowhar.com)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qaraxyo lagu weeraray banaanbaxayaashii manata ka qeyb galay Kacdoonka ka dhanka ahaa Shabaab ee lagu qabtay garoonka Koonis ee degmada C/casiis.

Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in qaraxyada si gaar ah loogu beegsaday banaanbaxayaashii ka socday degmada Dharkiinleey, waxaana khasaaraha la soo sheegayaa inuu ku kooban yahau dhaawacyo.

Qaraxyada oo loo adeegsaday bambaanooyinka gacanta laga tuuro oo Saddex ahaa ayaa lala eegtay gawaari caasiyo ah oo ay sasrnaayeen banaanbaxayaasha iyagoo marayay Buul-Xubeey iyo Dabakaayo Madow, sidoo kale Bab gacmeedka saddexaad ayaa lagu weeraray xarunta degmada Dharkiinleey.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmadaasi ayaa xaqiijiyay weeraradan oo dhacay xili ay dibad-baxayaasha xaafadohooda ay dib ugu laabanayeen, iyadoo dhaawacada durba loola cararay xarumaha caafimaadka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More