Khasaaro ka dhashay Shil diyaaradeed oo ka dhacay garoonka Muqdisho

Apr 08 (Jowhar.com)-Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya shil diyaaradeed oo goordhow ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Diyaarad lagu magacaabo Salaama Air oo wadday dad rakaab ah ayaa ku timid cilad sababtay inay u bixi waayeen lugaha, kadibna waxa ay ku degtay meel banaan ah oo kamid ah isla garoonka Muqdisho.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyay in shilkan uusan gaysan wax khasaare nafeed ah, waxaana haatan socda dadaallo lagu soo daabulayo dadkii shacabka ahaa ee la socday diyaaraddaasi.

Khasaaraha ugu badan ayaa ku kooban diyaarada oo cilad ay gaartay, majiro wali wax war ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More