Kudhowaad 20 ruux oo dhimasho iyo dhaawac ku noqotay qarax ka dhacay Sh.hoose

Aug. 09 (Jowhar.com)-Ugu yaraan 6 qof ayaa dhintay, 12 kalena way dhaawacmeen kaddib markii qarax wadada dhinaceeda lagu aasay uu qabsaday gaari kuwa dadweynaha ah oo marayay meel u dhaxaysa magaalooyinka Marka iyo Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose, sida uu gudoomiyaha gobolkaasi u sheegay wakaaladda warrarka ee SONNA.

Dad ku sugan Qoryooley ayaa sheegay in gaariga qaraxu haleelay uu ka yimid magaalada Marka kuna socday degmada Qoryooley, dadka saarana ay u badnaayeen, dad reer Qoryooley ah.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxa, waxaase gobolka oo kamid ah meellaha ay dagaalladu ku dhexmaraan ciidamada Dawladda iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab, horey looga bartay Al-Shabaab inay miinooyin ku aasaan wadooyinka, iyagoo doonaya inay ku waxyeeleeyaan ciidamada Dawladda iyo kuwa Midowga Afrika.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More