Lafta-gareen oo culeyska saaran darteed maanta safar ugu ah Dhuusa-mareeb

Oct 03 (Jowhar.com)-Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa manata ku wajahan magaalada Dhuusa-mareeb ee caasimada mamaulka Galmudug, halkaasoo uu kulamo kula yeelanayo madaxweyne xasan Sheekh Maxamuud.

Kulamadan ayaa diirada lagu saarayaa dagaalka ka dhanka ah Shabaab iyo buuqa ka taagan doorashada madaxtinimo ee maamulka Koofur Galbeed oo mudo kooban ay ka harsan tahay.

Madaxweyne Xasan oo mudo kudhow laba bilk u sugan caasimadda Galmudug ayaa lahaa dalabka u yeerista Lafta-gareen, iyadoo iska wareysan doona sidoo kale xaalka guud ee dalka iyo sidii Koofur Glabeed looga bilaabi lahaa gulufka ka dhanka ah Shabaab.

Kulankan ayaa ka dhashay safarkii ay todobaadkan Dhuusa-mareeb ku gaareen gudoomiyayaahsii hore ee baarlamaanka dalka sida Jawaari, Mursal iyo Shariif Xasan oo madaxweynaha kala hadlay sidii waqtigeeda ay ugu dhici leheyd doorashada madaxtinimo oo aan mudo kororsi loogu sameyn madaxweynaha haatan talada mamaulkaasi haya.

Kulamadan kadib, Lafta-gareen waxa uu kulan gaara la qaadan doonaa madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor qoor oo ay ka wada hadli doonaan sidii ay u xoojin lahaayeen xiriirkooda iyo wada shaqeyntooda, maadaama ay si isku mid ah culeys u wajahayaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More