Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl Qeybtii 63aad

Waa Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com

Qadar maalmihii macaanaa ee noloshiisa inuu ku jira ayaa uu aaminsanaa waxa uu go’aansaday inuu dareenkiisa caawa uu qirto isaga oo ka fikiraayey waxa uu caawa hadiyad ahaan u siiyo Samiira.

Haddana maskaxdiisa waa ay go’aansan kari weyday shey ay u geyso ugu dambeyn waxa uu go’aansaday inuu dib u dhigto haddiyada uu gudoonsiin doono wallow ay aad gu adkeyd inuu soo dhufto sheyga ugu horeeya ee ay nafteeda jeceshahay.

 

Qadar inkastoo habeenka caawa ay ka mid tahay habeenada caadiyan ay kulmaan Samiira haddana habeenkaan waa ugu badalnaa habeeno badan habeenkaan maalinteeda waxa uu waqtiga u xisaabiyey daqiiqad daqiiqad dhinaca kale Samiira iyada howl maalmeedka caadiga ayay ku jirtay habeenkaa kagama badaleen habeenada ay kulmaan midka ay iyada ugu horeyn cukatay ee ay calmashadeeda ula gamban .

 

Wuxuu waqtiga la dheeraaba waxaa la gaaray habeenkii uu Qadar uu sugaayey waxa uuna tiigsaday xaafadii Samiira oo caadiyan albaabka uu furo waadiyaha oo laf ahaantiisa si fiican u yaqaan labada habeen uu Qadar yimaado ayaa soo dhawoow ku yiri sidii ayaana uu ku gudbay oo uu gudaha u galay qolka fadhiga oo ay Samiira sii fadhisay ayuu soo galay is bariidin kadib ayuu Qadar arkay Samiira oo dhoola cadeyneyso ayaa uu u yiri.

 

Qadar:

Haye Samiira ma anigaa igu qosleysaa maxaa qaldan oo kaa qosliyey

 

Samiira oo weli dhoolacadeyneyso ayaa ku yiri

 

Samiira:

Qadarow wax qaladan ma jiro balse waxaan ogaa in gabadh marka ay isa soo qurxiso ayay dhacdaa in la yiraahdo caawa waad nuureysaa laakiin Caawa adiga Ayaan ku leeyahay waad nuureysaa waliba farxad badan Ayaan kaa dareemayaa.

 

Qadar:

Waaw ma la iiga dareemayaa farxada walaahi waa runtaa caawa daruuraha sare Ayay tahay in la iga baadigoobo

 

Samiira:

Haye sow farxada ilama wadaageysid

 

Qadar:

Horta Samiiraay markaan kuu imaado durbadiiba waxaan I oran jirtay qabow iyo kuleyl maxaad cabeysaa caawa taa ma jirto.

 

Samiira inta ay qoshay ayay ku tiri

 

Samiira:

Hadalka ayaad ku qarineysaa balse waan kuu keenaya Qabow Mise Kuleyl

 

Qadar:

Samiiraay waxaan rabaa Kafee Caano leh habeen ayaad ii keenatay aad ayaa u macaanaa kii oo kale Ayaan rabaa.

 

Samiira:

Diyaar waa nooceyga iminkaan kuu keenaa

 

Samiira markiiba waa ay dhaqaaqday in ay u keentana kuma soo raagin markii loo keenay ayaa uu ku yiri.

 

Qadar:

Maxaa jira adigana maaad u soo sameysan weyday

 

Samiira:

Igama heyso ee adiga farxada aad caawa la duuli rabto bal ii sheeg aan kula farxee

 

Qadar:

Walaahi farxadeyda ma yara caawa

 

Samiira:

Waxaan dareemayaa in aad dooneysid in aad hadal igu tiraahdo sow sidaa maaha

 

Qadar:

Waa asiibtay balse hadalka meel aan ka bilaabi Ayaan heli kari la ahay

 

Samiira:

Haye ma ku saacidaa

 

Qadar:

Maya waad is adkeynayaa

 

Samiira:

Haye is adkey oo hadalka culeyskiisa iska tuur aad nafistidee

 

Qadar:

Samiiraay Macaanto ma aqaan waxaan ku dhaho

 

Samiira:

Ku soo celi maxaad I tiri

 

Qadar:

Waa ku baryaa ha igu adkeyn oo gadaal ha ii celin

 

Samiira:

Kalmad aan u riyaaqay ayaa hadalkaaga ku jirtay

 

Qadar:

Wax kasta oo aan ku dhaho caawa waa mid qalbigayga ka yimid runtii aniga waad I badashay farxad Ayaana kaa helay cid kasta oo hore ii taqiinay ayaa farxadaas iga dareemi kartay dhamaan asxaabteyda waa iga dareemeyn farxada xagaaga ka timid ee nolosheyda ku soo korodhay waxaad noqotay shaqsi aan ku riyaaqsan nahay dareen xoogan Ayaan kuu qaaday.

Samiiraay nafteydana waan kugu laray oo lamaano Ayaan kaaga dhigay habeenkii waxaan gam’aa aniga oo adiga qalbiga kugu haayo sidoo kale Ayaan kugu soo toosaa miyeysan waxaas oo dhan aheyn jaceyl xoogan oo ay nafteyda adiga kuu qaaday Samiira waan ku jeclaaday nafteydan la’aantaada maalin ma joogi karto ma og tahay habeenada aan kula kulmo in aan u dhararo oo nafteyda ku weyneyeso oo ay kugu faraxdo horaa ii dhahday gacantaada ii dhiib oo igu qasaari meysid balse caawa aniga ayaa ku dhahayo gacantaada ii dhiib oo naftaada igu lamaaney Macaanto adiga ayaa I leh ee macaanka nolosha aan qura ku wada shubano.

 

Samiira oo dareen xoogan ku beermay hadaladii aysan abid Qadar afkiisa ka maqal balse ay ahaayeen kuwii ay in dhaweydba ay nafteyda naawileyso oo ay Qadar afkiisa ka dhowreysay mudo iyada oo qiireysan ayay ku tiri.

 

Samiira:

Macaane dhamaan hadalkaaga waa mid aan xilli kasta aan xagaaga ka sugaayey waana illaaha mahadiis in aad manta dareenkaaga ii qiiratay runtii aniga waan ku xushmeeyaa maxaa yeelay horaad xushmad iyo qadarin sare igu muujisay aniga Ayaana ahaa qoftii ku calmaday adiguna dareenkayga waad xushmeysay waqtigaaga qaaliga ah waad I siisay mar walba Ayaan illaah ka baryayay in xulushadaada nolosha aan ahaado gacanteydana waan kuu dhiibay.

 

Samiira markiiba labadeeda gacmood ayay u taagtay Qadar isaga oo aad u faraxsan ayaa inta uu labadeeda gacan qabtay ayaa uu dhunkatay oo uu lu yiri.

 

Qadar:

Waxaan caawa kuu balan qaadayaa in aad farxad kugu ilaalin doono

 

Markii ay sheekada halkaa mareyso ayaa Samiira Waxaa u yeertay Hooyadeed oo markii ay u tatay iyada oo albaabka u taagteen ay ku tiri.

 

Hooyo Farxiya:

Aabahaa ayaa rabo inuu laptopkaaga isticmaalo haddana ma u shaqeynayo bal kaalay arag

 

Samiira:

Laakiin Hooyo laptopkayga waa uu haleysan yahay oo ma shaqeynayo

 

Hooyo Farxiya:

Oomaxaa helay

 

Samiira:

Usbucii hore ayaa uu dhulka iga dhacay isaga oo aan boorsada ku jirin

 

Hooyo Farxiya:

Oo marka ilaa mudo usbuuc side wax ku aqrisaneysay maxaase noogu sheegi weyday waa la soo hagaajin lahaa.

 

Samiira:

Kaa hooyo ma hagaagayo dhib xoogan ayaa gaaray laf ahaateyda waxaan u geeyey wiil oougu dambeyn igu taliyey in cashadarada igu jiro aan kala baxo mid kale aan ka yeesho.

 

Hooyo Farxiya:

Haddii ay sidaa tahay waa in mid cusub laguu keenaa

 

Sidii ayay ku baxday Hooyo Farxiya Samiirana ugu soo laabatay Qadar oo sheekada oo dhan maqlaayey markii ay soo laabatay ayay Samiira tiri.

 

Samiira:

Qadarow halkee sheekada noo mareysay

 

Qadar:

Ka waran haddii aan sheekada u badalno laptopka kaa halaabay

 

 

Samiira:

Side sida loo hagaajiyo miyaad taqaan

 

Qadar:

Maya balse ka waran haddii aan aniga kuu keeno Laptop cusub hadiyad ahaan iga gudoon xataa.

 

Samiira:

Caawa aniga habeen farxada ayay ii tahay ogolanshihii aan naftaada mudo ka suigaayey Ayaan ka helay oo jaceylkeena ayaa sharcidiisa tahay in aan qorno mar haddii aan isla sidno waa ku baryaa ha iga jiirin farxadaas aan dhadhansiga aan ku haayo weli.

 

 

Qadar:

Taasi nagama dhamaaneysay iminkay bilow tahay ee tani nafteyda ayay farxad u tahay ii ogolow oo ii sheeg nooca ugu wanaagsan ee aad jeceshahay.

 

 

Samiira:

Qadar macaane waa ku baryaa taasi meel inoo dhig ma diidani hadiyad aad ila jeclaado oo aan kaa gudoomo

 

Qadar:

Hadda tan baa waa hadiyadee maxaad ku diideysaa nasiibka I waafajiyey in aan ogaado in laptopkaaga uu halaaway.

 

 

Samiira:

Ka waran haddii aan kulankeena xiga aan arrintaan ka hadalno iminka aan halkeedii ka sii wadno farxadii noo bilaabatay.

 

Sidii aayaa la isku raacay oo la guda galay sheeko dheer iyadoo cid kasta dareenkeeda sheegatay habeenkaana waa ay u noqotay habeen farxadeed oo ay si wadajir u bud dhigeen axdigii jaceylkooda halkii ku xerteyn axdi kalsooni sal u ah.

Waa Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com