Yaasmiin markiiba Mursal ayay ku yiri waa ay joogtaa ee aniga ayaa u gudbayee halkaan igu sii sug Yaasmiin waxa ay si toos ugu gashay qolkii loo tilmaamay misena waxaa fadhisa Falis oo ku sii jeeda Tvga oo film ugu socday in cabaar ayay ilinka qolka taagneyd oo ay dusheeda daawaneysay markiiba inta ay isku duubtay ayay ku tiri.

 

Yaasmiin:

Marnaba ma fileynin in sidaan oo dhan uu qalbigaaga iga fogaanayo

 

Falis oo durbadiiba garatay ayaa inta ay isa soo jeedisay markeeda isku duubtay oo dhunkaday kuna tiri

 

Falis:

Maya abaayo ma adaan ku ilaawi karaa ma maleyn kartid xilli kasta sida aad qalbigeyga ugu weyneyd waa ku baryaa ha ooyin.

 

Yaasmiin ooyin kal iyo laab ayay jabsaday Falis aamus walaalo ayay ku heysay Yaasmiin waa ay degsaday waxayna iyada oo eedeysay Falis ku tiri.

 

Yaasmiin:

Falisey wax kasta waan maqlay xataa maxay ku dhici weysay in aad I soo raadiso mise colaadii Qadar iyo Reerka aad u qabtay ayaa igu dabaqday.

 

Falis:

Maya walaahi macaanto Yaaska ma adigaa cid aan kula simo ay jirtaa ee Cabsi uun ayaa kaaga maqnaa mana dooneynin in xaalkayga la ogaado ileyn nolol la iga dhigay ayaa lugaha la galay miyeysan aheyn waxaan kala kulmo in aan u dhabar adaeego.

 

Yaasmiin:

Hadda I waran xaalkaaga

 

Falis:

Waan fiican nahay macaanto yaa kuu sheegay in aan halkaan joogo sidey igu ogaaday

 

Yaasmiin:

Yaasiin ayaa ka ogaanay in aad soo kala tagteen oo Mursal isa soo arkeen alla waaba ilaaway Mursal ayaa ila socdo oo banaanka joogo.

 

Falis:

Muxuu banaanka ka haayaa soo gal ku dheh

 

Yaasmiin markiiba Mursal ayay u yeertay oo uu soo galay qolkii ay Falis ku jirtay markiibana Falis ayaa uu ku yiri.

 

Mursal:

Ibna aadam is waayey arrinaa kala geysey sow ma aheyn wixii la oran jiray I waran Falisey ma fiican tahay waxaad naga dhuumataba waan ku heynaa.

 

Falis:

Mursal ii waran walaalkay walaahi ma maleyn kartid sida aan idinku farxay midowgiina aniga waan fiicnaa intaa xaaladiina waan ka warhaayey Sureer ayaa mar walba ii sheegi jirtay.

 

Mursal:

Aniga mida aan kaa rabay waxa ay aheyd in ugu yaraan aad nala soo hadasho runtii qof qalibiyadeena ku weyn ayaa aheyd.

 

Falis:

Ma aysan dhicin Mursalow balse iminka ayaa idiinka fogaan doonin oo aan is ogaan doonaa

 

Yaasmiin:

Sureer iyo ninkeeda ka waran

 

Falis:

Walaahi waa dad xamaasha oo intaa shaqo uun u ordayo

 

Yaasmiin:

Maasha allah adiga hadda maxaa kuu qorsheysan oo aad damacsan tahay

 

Falis:

Wax qorsho oo hadda meel ii yaala ma jiro aniga ayaa nasasho u baahan

 

Yaasmiin:

Side xaalkaaga ahaa ka waran Yaasiin side ayaa uu u kula dhaqmay

Falis:

Iga raali noqo abaayo ma rabo in aan ka hadlo noloshaas

 

Mursal:

Ka daa Yaasmiiney oo nolol tagtay waxba dib ha u xasuusin Falis wax kasta oo ku soo maray ka soo qaad in ay riyo uun ahaayeen.

 

Falis:

Waa mida aan isu sheego mar kasta

 

Yaasmiin:

Falisey waxaan rabaa in aad I raacdo aniga ayaa raba in aad ila noolaado waa ku baryaa ha iga diidin.

 

Falis:

Gurigaaga guri aan manta kaga kalsooni qabo ma jiro balse aniga reer Warasame Cali in aan arko ma rabo ileyn hore iyaga ayaa reerka igaga saaray.

 

Yaasmiin:

Waan ku fahmayaa laakiin gurigay Qadar ma yimaado weligiis ima imaan maxaad ka cabsaneysaa.

 

Falis:

Xataa in ay arrinkayga ogaadaan ma doonayo waa ku baryaa Yaaska waan ku jeclahay ha qasbin

 

Mursal:

Falisey waan ku fahmayaa haddana walaashaa waa ay kugu kalsoon tahay

 

Falis:

Waan fahmayaa Mursal aniga in aan u imaaneynin maaha ee waxaan ka cudur daaranaa in aan si joogto aan xagaas ugu noolaan Karin laakiin habeenada qaarkood waan idiin imaan karaa weliba aan idinla seexan karaa laakiin si joogto ah maya.

 

Yaasmiin:

Aad Ayaan kugu baahnaa waadse I fahm la’dahay

 

Yaasmiin markii ay intaa tiri ayaa Mursal loo yeeray oo la yiri baabuurkaaga jidka ka leexi baabuur reerkaan raashiin u wado ayaa soo galayee sidii ayaa uu ku baxay.

 

Falis inta ay soo istaagtay ayay Yaasmiin soo ag fadhiisatay oo ku tiri

 

Falis:

Runtii waxaan aad ugu faraxsan nahay in aad Hooyo noqoneyso aniga aan Habaryar noqonayo

 

Yaasmiin:

Laakiin side igu fahamtay Falisey indho dheeridaa

 

Falis:

Qofaan jirkeeda si fiican u aqaan ayaa tahay waxa kugu soo kordhana waan fahmi karaa ii sheeg meeqo bil ayaa tahay.

Yaasmiin:

Lix bilood Ayaan ahay mudo 3 bilood kadibna waan umalayaa ma is tiri walaashaa waa ay kuu baahan tahay.

 

Falis:

Taasi haba ka fikirin bisha kugu dameysay xamilkaaga waan kula jooga haye sow ma qanacsanid.

 

Yaasmiin:

Aniga in aad I raacdo Ayaan jeclaa saaka

 

Falis:

Numberka telefoonkeyga Ayaan iminka kuu qorayaa xilli kasta oo aad ii baahan tahay iga soo wac ii sheeg ma soo ogaaday gabar iyo wiil.

 

Yaasmiin:

Xataa kuma fikirin Ilaahay midkuu I siiya Ayaan ku qanacsan nahay in aan Falis dhalo Ayaan rajeynayaa.

 

Falis:

Yaa Mursal weydiiya saacadaan wiil ayaa uu ku fikiryaa

 

Mjursal oo soo galayey isla markaana hadalka oo dhan maqlayey ayaa ku yiri

 

Mursal:

Aniga iyo Yaaska hal meel Ayaan ku soconaa gabar aan Falis ugu wanqalno Ayaan illaaha ka wada rajeyneynaa Falisey sow ma ogid in qoys hablo u badan aan ka dashay qiimaha ay hablaha leeyihiin Ayaan si weyn u aqaan.

 

Falis:

Falis yarey marka ay nagu soo biirto aniga igu ogaado cayaarsiinteeda

 

Maarkiiba waxaa soo gashay Sureer oo si Jamac ah dadka u salaantay kadibna Yaasmiin ku tiri

 

Sureer:

Waan ogahay waad ii xanaaqsan tahay Yaaska laakiin in aan wax walba aan kaa qariyo qoftaan ayaa sabab u ah.

 

Yaasmiin:

Waxaan kugu eedaba ma jirto laakiin Falis waad igala wareegtay aniga Falis weligey isma dareensiin in habro wadaag oo kaliya nahay in Dadii iga yareyd ay tahay Ayaan u heystay waxaase nasiib daro ah in iyada aysan sidaa I arag.

 

Falis oo ku dhaweyd ayaa isku duubtay oo ku tiri

 

Falis:

Waa ku baryaa abaayo sidaa ha I dhihin waa tan Sureer weydii marka aan la soo hadlo ama aan is aragno cida kaliya ee aan warsado adiga ayay aheyd in aan kuu imaan waayeyna waan kuu sheegay sababta ka dambeysay.

 

Yaasmiin:

Waxba ha I raaligelin danta ayaaba I raaligelineyso waad I soo wici kartay sax mise

 

Falis:

Waa runtaa waan ku soo wici karay laakiin macaanto tareen dheer ayay nolosha I saartay oo aan ogeyn waxa aan kala kulmayo waa ku baryaa Yaaska I saamax maxay tahay qalbi wanaag Ayaan kugu ogaa maxay tahay caloolxumada.

 

Yaasmiin:

Ma aqaan balse inta aad I diideyso in aad ila noolaado waxaan dareemayaa in aad ila meel dhigtid Qadar iyo reerka intiisa kale bale booskayga waxaan qabaa Sureer in ay gashay oo aniga aad banaanka ii saartay.

 

Sureer oo goobta fadhisay ayaa tiri

 

Sureer:

Yaaska sida aad wax u fahamtay wax uma jiraan Falis waa tanaa aniga kuma dhagani teeda kale kama xumi in ay kula noolaado laakiin mid ha igu eedeyn walaashaa waa taqaanaa qof madax adag in ay tahay iyadaa mar kasta I oran jirtay cid arrimaheyga ha u sheegin xataa ninkayga weligey uma sheegin.  

 

Falis:

Yaaska in ilaa xadkaan ii xanaaqi kartid ma fileynin sow ma rabin in aan kula noolaado waa ogalahay balse 10 maalin I sii waa balan in aan xagaaga u soo wareego.

 

Yaasmiin:

10 maalin oo dhan maxaa inta ka qabanee

Mursal oo goobta wax ka fadhiyey ayaa yiri

 

Mursal:

Yaasmiin fursad sii Falis 10 maalina ma foga kaliya waa in aan sugnaa Falis runtii anaga sharaf ayay noo tahay in aad nala noolaado waan ku sugeynaa.

 

Sidii ayaa la isku afgartay in 10 maalin kadib ay Falis ku soo wareegado xaafada Yaasmiin iyo Mursal sidaas ku harto eeda Yaasmiin oo u arkeysay in Sureer ay ka xigsaneyso Falis halkii ayaa lagu kala tagay oo la wada balamay Falis ayaa ah cida laga sugayo xilliga la soo doonayo maadaama ay Yaasmiin u sheegtay in ay iyada soo dooneyso sidii ayaa la isku afgartay.

Waa Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com